Home Wararka Maanta Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Adis Ababa Hub iyo Rasaasna u doontay...

Wasiirka Gaashaandhigga oo gaaray Adis Ababa Hub iyo Rasaasna u doontay Xili Dagaal adag lagula jiro Alshabaab(Sawirro)

0

Wasiirka Wasaaradda gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa booqasho rasmi ah ku tegay magaalada Addis Ababa ee xarunta Dalka Itoobiya.

Wafdiga Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhaweeyay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee dalka Ethiopia iyo Sarikiil katirsan wasaaradda difaaca Itoobiya

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya iyo xubnaha la socda ayaa la filayaa in kulamo kala duwan la qaataan masuuliyiin iyo saraakiil katirsan dowladda ,kuwaa ay kala hadli doonaan arrimo badan oo taagan.

Warar hoose aan helnay ayaa sheegaya in wasiirka gaashaandhigga  dowladda Itoobiya kala hadli doono sidii dowladda uga taageeri lahaayeen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al Shabaab oo hadda ka socda qaar kamid ah gobolada dalka.

Dowladda Itoobiya oo horey gacan uga geesan jirtay howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab ayaa door xilligan ku laheyn howlgalada socda, waxaana kaliya howlgalada iska kaashanaya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Xubno ka Tirsan Kooxda Shabaab oo lagu dilay Jubbada Hoose

Wararka ka imaanaya Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Kumaandooska Danab iyo kuwa daraawiishta Jubaland ay iska kaashadeen howlgal lagu dilay xubno ka tirsan Al shabaab. Howlgalkaan ayaa ka

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,
Ad
Previous articleDowladda Soomaaliya oo codsi Muhiim ah u jeedisay Jaamacadda Carabta (Sawirro)
Next articleMadaxweynaha Jabuuti oo Taageeray Kacdoonka Ka Dhanka ah Alshabaab ee Kasocda Soomaaliya