Home Wararka Maanta Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

0

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab.

Wasiirka ayaa si gaar ah u xusay howlgalkii ugu dambeeyay ee ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta Koonfur Galbeed ka fuliyeen deegaanka Barujeed ee dhaca duuleedka magaalada Baydhabo, kaasoo ciidamadu ku dileen ku dhawaad 40 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab oo uu ku jiray horjooge Ajnabi ah.

“Waxaan ku bogaadinayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed howlgalka guuleystay ee ay ku naafeeyeen cadawga khawaarijta ee ka dhacay Degaanka Burujeed ee duleedka deegaanka Daynuunay ee Gobolka Baay, kaasi oo ahaa mid ka marqaati kacaya diyaar garwaga Ciidanka iyo bulshada iyo in la gaaray dhammaadka Kooxaha Khawaarijta ah ee dhibaatada xooggan ku haya shacabka Soomaaliyeed ” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid.

Wuxuu tilmaamay Wasiirka Gaashaandhigga in kooxaha loogu yeero Argagixisada ineysan heli doon wax xasilooni ah inta ay hortaagan yihiin nabada, isagoona ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney si hagar la’aan ah u garab istaagaan ciidamada Qaranka.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa Alle u weydiiyay naxariistiisa balaaran halyeeyadii u dhintay difaaca dalka, wuxuuna bogsiino deg deg ah u rajeeyay kuwa ku dhaawacmay dagaalada dalka looga xureynayo maleeshiyaadka Al-shabaab.

Hadalka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa kusoo aadaya, iyadoo Shalay meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsana kooxda Al-shabaab lagu soo bandhigay bartamaha magaalada Baydhabo, kuwaas oo lagu soo dilay dagaal waabarigii hore ee Shalay ka dhacay deegaanka Barujeed oo hoostaga Baydhabo.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Abaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool

Ku dhawaad 800,000 oo qof oo ku nool Puntland ayaa wajahaya xaalado nololeed oo aad u liidata, taasoo ka dhalatay roob la’aantii ka dhacday xilligii Deyrta 2024 iyo saadaasha roob
Ad
Previous articleAbaaraha ka jira Puntland oo Saameyn ku yeeshay 800,000 oo qof oo Halkaaasi ku Nool
Next articleDowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi