Home Wararka Maanta Wasiirka Caafmaadka oo Si kulul ugu Jawaabay hadalkii Cali Jayte

Wasiirka Caafmaadka oo Si kulul ugu Jawaabay hadalkii Cali Jayte

0

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji ayaa si adag uga jawaabay hadalkii shalay ka soo yeeray Cali Jeyte oo ah hoggaamiyaha ciidamada macawiisley u qaabilsan xafiiska Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Xaaji oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel ayaa sheegay in hadalkii Cali Jeyte uu xagal-daacinayo howlgalka.

“Cali Jeyte wuxuu yiri cid kasta oo deegaanada Shabaab joogaan loogu tago waa argagixiso, hadalkaas waxaa ka muuqata xagjirnimo,” ayuu yiri Wasiir Cali Xaaji.

Sidoo kale, wasiirka ayaa u cudur daaray Cali Jeyte, wuxuuna sheegay in hadafka uu ka kala hadalkaas uu fahmi karo “Ujeedka hadalka Cali wuxuu ahaa inay kacaan dadka jooga meelaha ay Shabaab ku dambeeyaan oo dagaalamaan,” ayuu yiri.

Wasiirka oo baaq u diray masuuliyiinta hormuudka u ah bulshada ayaa yiri, “Cidda kaliya ee hadalada xanafta leh ay fursadda siinayaan waa Khawaarijta, masuuliyiinta waxaan ugu baaqayaa inay ka fiirsadaan hadallada xanafta leh, ee qabaa’ilka isku diraya.”

Sidoo kale, Wasiir Cali Xaaji ayaa qiray in Sanbaloolshe uu saxay qaladkii Cali Jeyte, “Ma ahayn hadal qabta dadka dhibanayaasha u ah Khawaarijta, balse isla goobtii ayaa lagu saxay, marka waa in laga socdaa, lagana taxadaraa waxyaabaha noocaas ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Ugu dambeyntii Wasiirka ayaa sheegay in beeshiisa Gaaljecel ay diyaarisay ciidan ku filan xoreynta deegaanada beesha, kuwaas oo garab ka heli doona dowladda federaalka, sida uu sheegay.

Xalay hadalka Cali Jeyte waxaa sidaan si ka adag uga jawaabay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka soo jeeda beesha Gaaljecel, wuxuuna sheegay in Cali Jeyte uu khatar ku yahay Hooyadiis iyo Aabihiis oo jooga deegaanada Shabaab maamulaan, isla markaan aan la shaqeyn kooxda.

Hoggaamiye Cali Jeyte ayaa shalay Buuloburde ka sheegay in dadka jooga goobaha ay Shabaab maamulaan ay yihiin Shabaab kale, balse Taliyaha NISA Sanbaloolshe oo garab taagnaa ayaa qaladkaas saxay, wuxuuna qiray inay jiraan dad shacab ah oo kooxdaas aan la shaqeyn, lana dagaalami doona hadii laga dul kiciyo.

Kaalmada Caruurta ee Sweden oo hoos u dhacday Mudo 50 sano ah

Xisaabaadka cusub ayaa muujinaya in qiimaha masruufka carruurta (Barnbidrag) ee Iswiidhan uu hoos ugu dhacay heerkii ugu hooseeyay muddo nus qarni ah, marka la xisaabiyo qiimo joogto ah. Qiimaheeda dhabta

Mareykanka oo diiday maalgelinta Qaramada Midoobay ee Ciidamada Midowga Afrika Ee Soomaaliya

Mareykanka ayaa si cad u diiday inuu taageero qorshaha Qaramada Midoobay ee lagu maalgelinayo ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, kuwaas oo ka howlgala Soomaaliya. Tallaabadan ayaa dhalisay walaac

Dowlada Mareykanka oo Yareeneysa Awooda Safaaradiisa Muqdisho iyo Xiritaanka Safaarado kale

Dowladda Maraykanka ayaa qorshaynaysa in ay xidho ku dhawaad 30 safaaradood iyo qunsuliyadood oo ay ku leedahay waddamada caalamka, sida ku xusan dhukumeentiyo ay heshay CNN oo ay diyaarisay Waaxda

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha
Ad
Previous articleMasar oo Gashaanka U Daruurtay Hadalkii Trump ee Marinka GAZA
Next articleCiidamada Puntland oo Daacish Ka saaray Saldhigyadii ugu waawaynaa ee ay Joogeen