Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xildhibaan Ali Yusuf Ali – Xoosh ayaa maanta booqday Buulo Xaaji oo dhowaan laga xoreeyay kooxda Shabaab asagoo oo kulamo la qaatey hey’adaha amniga, geesiyaasha xoogga dalka iyo bulshada deegaanka.
Booqashada wasiirka waxaa qayb ka ahaa wasiiro ka tirsan Dowladda Jubaland qaybaha kale duwan ee maamulada gobolka jubada hoose iyo saraakiil ciidan.
Buulo Xaaji waxa ay Alshabaab heysteen 16 sano, taasi oo saddex todobaad kahor ay soo afjareen geesiyaasha xoogga dalka, tallaabadan ayaa u gogol xaareysa in deegaankaasi uu helo adeegyada dowladnimada.
Wasiirka ayaa yiri “Waxaan aad ula dhacey adeegyada iyo hawlaha kala duwan ee deegaanka ka socda sida; Amniga, nabada, xasiloonida iyo adeegyada kale oo dadka deegaanka iyo maamulka Jubbaland hormuudka ka yihiin”.