Home Wararka Maanta Wasiirka Amniga Galmudug oo ujawaabay ilhaan Cumar

Wasiirka Amniga Galmudug oo ujawaabay ilhaan Cumar

0

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa U jawaabay ilhaan cumar oo ka hadashay Duqeymo Diyaaradaha Dagaalka ee Mareykanka ay ka Fuliyeen Gobalka geddo.

Wssiir Fiqi ayaa yiri  ” Walaasheen Rep. Ilhan Omar xisaabtanka gudaha hey’adaha dalkeeda waa u furan tahay, balse waxaa haboon in ay ka digtoonaato in hadalkeedu u ekaado hiil ay u fidinayso argagixisada Alshabaab ee dhibaatada ku haysa umadda Soomaaliyeed.

Waxaan ku suganahay oo dul istaagay goobihii gantaalada ay ka hadlayso ay ku dhaceen, waxaan argagixiso ahayn wax kuma noqon, gantaalahaas barakaysan waxay sababeen in la burburiyo goobihii laga soo abaabulay qaraxii lagu dilay taliyaashii Qeybta 21aad iyo taliyihii iyo taliye ku xigeenkii, Ururka Danab ee Galmudug ka hawlgala, saraakiil iyo shacab kale iyo sidoo kale qataro kale looga maleegayay dadka deegaanka iyo ciidamada ku sugan aagga Bacaadweyn, ahaydna xarunta lagu sameeyo qaraxyo la galiyo wadooyinka dadweynuhu isticmaalo oo dad shacab ah iyo duunyaba ay ku waxyeeloobeen bishii Juun iyo July-da aan ku jirno.

Gabadheena Ilhaan ma haboona in ay afhayeen u noqoto Alshabaab, miyaysan ogayn in 27 Juun 2021 dhowr iyo soddon qof oo shacab u badan in argagixisadu ay ku xasuuqday Wisil, Maxayse ku qancinaysaa eheladii dadkooda ay Shabaab xasuuqeen, mise Ilhaan waxay bixinaysaa ruqsad Alshabaab wax ku dili karo oo aan ayaga lagu dili karin!

Waxaan ka mahadcelinaynaa taageerada dhanka cirka ah ee ciidamada maraykanku ay siinayaan Dawladda Soomaaliya si gaar ah midda Miraha la taaban karo keentay ee Galmudug ay ka wadeen todobaadyadii la soo dhaafay.

Ilhaan waxaa u quman in ay taageerto hawlgallada la dagaalanka argagixisada ee Soomaaliya sida wadajirka ah looga wado, haddii kale ay iska aamustaa oo aysan godob ka gelin dalkeedii iyo dadkeedii ay ka soo jeeday!.!

Madaxweynaha Galmudug oo booqasho ku tagay xarunta Hay’adda SoDMA

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta booqasho ku tegay xarunta dhexe ee Hay’adda SoDMA, waxaana xarunta ku soo dhaweeyay guddoomiyaha SoDMA Maxamuud Macalin Cabdulle. Madaxweynaha Galmudug

Caalamka:- Dowlada Sacudiga oo 14 Dal African ah ka joojisay Visa Cumrada

Maamulka sare ee Boqortooyada Sacuuduga, ayaa si KMG ah u hakiyay in viisooyinka cumrada, ganacsiga iyo booqashada qoysaska xilligan la siiyo dadka kasoo jeeda 14 dal , kuwaa oo kasoo

Donald Trump oo Shaaciyay Hadalo Hanjabaad ah oo ku socda Iiraan

Madaxweynaha dalka Mareykanka, Donald Trump, ayaa xalay shaaca ka qaaday in dowladda Iran diyaar u tahay in ay la galaan wadahadallo toos ah ay uga wada hadlayaan barnaamijka Nukliyeerka, inkastoo

Caalamka:- Microsoft oo shaqada ka joojisay gabar indhaha caalamka qabsatay

Gabar lagu magacaabo Ibtihal Abu Saad oo u dhalatay dalka Marooko oo u shaqeeysa shirkadda Microsoft, ayaa qabsatay indhaha caalamka, kaddib markii ku dhax mudaharaaday munaasabadda sannad-guurradii 50-aad ee shirkadda

Ex Madaxweyne Farmaajo oo ku baaqay in baaritaan lagu sameeyo Geerida Jeneraal Sheegow

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka inay baaritaan dhab ah ku sameeyso Geerida ku timid Jeneraal Sheegow oo in muddo ah u xirnaa Dowladda
Ad
Previous articleMareykanka oo xaqeejisay in Duqeymo ay ka fuliyeen Gobalka Mudug
Next articleDagaal culus oo hadda ka Qarxay Qeybo ka mid ah Gobalka Mudug