Home Wararka Maanta Wasiirada Soomaaliya oo qaaday talaabo ka Farxisay Ganacsatada Muqdisho

Wasiirada Soomaaliya oo qaaday talaabo ka Farxisay Ganacsatada Muqdisho

0

Golaha wasiirada Soomaaliya ayaa go’aamiyey in dhammaan lajoojiyo shirkadihii haystay Qandaraasyada iyo Mashaariicda la qofeeyey ee gudaha dekeda ka abuurnaa, taas oo ay gadood iyo cabasho ka keenen Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhammaan heshiisyada lala galay shirkadaha gaarka loo leeyahay ayuu amray RW Xamse in laburiyo oo aysan sharci aheyn laga bilaabo caawa.

1- Lacagta jabinta/ furida konteenerka
2- Lacagta dhaqida Konteenerka
3- Lacagta ID CARD galida Dekeda oo 150$ ahaa ayaa laga dhigay 40$.
4- Lacagaha Taraafikada ee gaadiidka xamuulka ayaa meesha laga saaray
5- Lacagta Jidadka caasumada ilaa Afgooye gaadiidka looga qaadi jiray ayaa meesha laga saaray.
6- Wasaaradda Maaliyada cid aan aheyn lacag Canshuur ah kuma qaadi karto meelna, gaar ahaana dekeda iyo gaadiidka kasoo baxaba.
7- Lacagta Scan-ka baarista waxaa la dhimay 50%.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Digniin Adag Udirtay Diyaarada Dubai airline
Next articleDowlada Soomaaliya oo Itoobiya Ku eedeeysey dad Soomaaliyeed oo lalaayay