Home Wararka Maanta Wasiirada Gaashaandhigga Iyo Taliyaasha Ciidamada ay ka Joogaan Soomaaliya Oo Shir Uga...

Wasiirada Gaashaandhigga Iyo Taliyaasha Ciidamada ay ka Joogaan Soomaaliya Oo Shir Uga Furmay Muqdisho

0

Shir ay yeelanayaan Wasiirrada Gaashaandhigga iyo Taliyeyaasha Ciidammada ee dalalka deriska ah, ee loo yaqaan Dalalka Safka Hore ee kala ah Ethiopia, Jabuuti iyo Kenya ayaa ka furmay magaalada Muqdisho.

Wasaarada warfaafinta xukuumada Federalka ayaa sheegtay in shirkan looga hadlayo dhameystirka hawlgallada dib u xoreynta degaannada ay weli ku harsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isku dubaridka taageerada muhiimka ee Dalalka Safka Hore iyo iskaashiga dalalkan ee hawlagalada ka socda Soomaaliya.

“Wasiirrada iyo Taliyeyaasha Ciidammada ayaa kulankooda maanta ku diyaarin doona ajendaha shir madaxeedka berri dhacaya oo la filayo in natiijada ka soo baxda ay qeexi doonto hawlaha baaxadda leh ee lagu dhameystirayo hawlgalada milateri ee ka dhanka ah argagixisada Khawaarijta iyo guud ahaan Amniga gobolka,” ayaa lagu yiri qoraal ka wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxa uu gogol xaar u yahay shir ay madaxda Dalalka Safka Hore ay beri ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kaasoo uu shir guddoomin doono Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleCiidamadii Kusugnaa Gobalka Oo loo Daabulaayo Galmudug
Next articleMusharaxiin isku Diiwaangelisay Doorashada Kursigii Mahad salaad iyo Cida kusoo Baxaysa oo lasii ogyahay (Sawirro)