Home Wararka Maanta Wasiirada Arimaha Dibada Somaliya iyo Koonfur Afrika oo ku Kulmay magaalada Pretoria

Wasiirada Arimaha Dibada Somaliya iyo Koonfur Afrika oo ku Kulmay magaalada Pretoria

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabdisalaan Cabdi Cali ayaa maanta kulan kula qaatay magaalada Pretoria ee dalka Koonfur Afrika dhiggiisa dalkaasi Koonfur Afrika Ronald Ozzy Lamola.

Labada wasiir ayaa kulankooda uga wada hadlay siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labo geesoodka iyo ballaarinta dhinacyada iskaashiga ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Koonfur Afrika.

Waxaa sidoo kale labada masuul ay kulanka ku falanqeeyeen dhowr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid ahayeen isku duwidda iyo wadatashiga arrimaha fagaarayaasha caalamiga.

Labada dowladood ee Soomaaliya iyo Koonfur Afrika ayaa sidoo kale kulanka uga arinsaday heshiisyo la filayo iney wada saxiixan doonaan labada dal oo la xariira in labada dowladood ay ka dhaafaan baasaboorka diblomaasiga iyo kan shaqaalaha shuruudaha dal ku galka.

“Wadahadalka ayaa sidoo kale diiradda lagu saarray fududaynta isku socodka dadka, dib u furidda ergada diblomaasiyadeed ee Koonfur Afrika ay ku lahaan jirtay Caasimadda Muqdisho iyo xoojinta iskaashiga dhinacyada ganacsiga, maalgeshiga iyo amniga” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.

Wasiir Lamola ayaa sheegay in dowladda Koonfur Afrika iney si cad u garab taagan tahay midnimada, madaxbannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoona muujiyay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hindiseyaal wax ku ool ah oo labada dal faa’iido u leh.

Ugu dambeyntii dowladda Koonfur Afrika ayaa ka mid ah dowladaha ay Soomaaliya la leedahay xiriirka saaxiibtimo oo qoto dheer, waxaana dalkaasi ku sugan boqolaal Soomaali ah oo magaalooyinka kala duwan ee dalkaas ku leh goobo gamacsi.

Ad
Previous articleDalka Ruushka oo noqday dalkii ugu horeeyay ee aqoonsada maamulka Taliban ee dalka Afgaanistaan