Home Wararka Maanta Wasiir Xaange oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Siciid Deni ula Dagaalay Madaxda...

Wasiir Xaange oo Shaaca Ka Qaaday Sababta Siciid Deni ula Dagaalay Madaxda Dowlada Soomaaliya

0

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Cabdiqafar Xasan Xaange oo ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland ayaa sheegay in Saciid Deni uu ka carooday waayitaanka damaciisa dowladda dhexe.

Wasiir ku-xigeenka ayaa waxa uu sheegay in sababta madaxweynaha Puntland u mucaaradsan yahay dowladda federaalka ay tahay kadib markii uu waayay jagaada ra’iisul wasaaraha, oo uu hadda ku fadhiyo Mudane Xamza Cabdi Barre.

“Siciid Deni wixii ka dambeeyay doorashadii Afisyooni wuxuu olole u galay kursiga ra’iisul wasaaraha. Hankaas iyo rabitaankaas waad la socotaan oo way hubgoobeen,” ayuu yiri wasiir ku-xigeenka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa uu sheegay in khilaafka siyaasadeed ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland uu yahay mid uu gacantiisa u sameeyay Deni, kadib markii uu waayay wixii uu rabay, sida uu hadalka u dhigay.

“Maalinta uu kursigaas waayay ayuu Siciid Cabdullaahi Deni dhexda u xirtay inuu khilaaf ka dhex abuuro maamulka Puntland iyo dowladda dhexe oo ah in uusan la shaqayn,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Xaange.

Wasiir Xaange oo kamid ah xildhibaanada lagasoo doortay Puntland ayaa waxa kale oo uu sheegay in Saciid Deni uu beesha caalamka iyo hay’addaha deyn cafinta Soomaaliya uu ka gaday in aysan dowladda dhexe wada-shaqeyn la laheyn, taasi oo uu ku wiiqayo hanaanka deyn cafinta oo maraya meel wanaagsan, sida uu sheegay.

Ugu dambeyntiina waxa uu ka dhawaajiyay in madaxweynaha Puntland uu kaligii ku yahay khilaafka dowladda federaalka, islamarkaana ay reer Puntland aysan ku raacsaneyn, isaga oo tilmaamay in xiisad abuurka Deni uu ku saleysan yahay danihiisa gaarka ah uu ka dhex wayay.

Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli uu sii xoogeystay xiisad siyaasadeed ee u dhaxeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland, iyada oo hadal kulul ay hawada isku mariyeen madaxda sare ee dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleHorjooge Maxamed Gaagaale oo Qorshe uu Ka waday Ceelbuur oo Qarka Usaaran inuu Fashilmo
Next articleErling Haaland iyo Sam Kerr oo ku kala guuleystay abaal marinta gool dhalinta horyaalka Ingiriiska