Home Wararka Maanta Wasiir Maareeye oo Si yaab leh Uga Hadlay Xildhibaanada Mucaaradka

Wasiir Maareeye oo Si yaab leh Uga Hadlay Xildhibaanada Mucaaradka

0

Wasiirka beeraha iyo waraabka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo sidoo kale ah xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa u jawaabay xildhibaannada mucaaradka ku ah xukuumadda DanQaran ee hoggaamiyo ra’iisul wasaare Xamza, isaga oo difaacay xukuumadda uu ka tirsan yahay.

Maareeye ayaa sheegay in xildhibaannadaasi ay yihiin kuwa aan laga nasan, isla markaana been u sheegaya dadka Soomaaliyeed, sida uu hadalka u dhigay.

“Xildhibaano yar oo 7 illaa 8 ah oo aan nasan oo dadka kale warbaahinta wuu ka nastaa ayaa maalin kasta halkan soo istaago been bey sheegaan marka, waxay yiraahdaan hoggaanka ciidamadu hoggaan sax ah maahan, yaa ogeysiiyay?” ayuu yiri Maareeye.

Sidoo kale wuxuu soo hadal qaaday arrinta ciidamada oo uu ka digay in la siyaasadeeyo, wuxuuna tilmaamay inuu ka dhalan karo fal dambiyeed aad u wayn.

“Ciidamada in la borobogaando waa eray qatar ah iyo in laga hadlo oo shaki la geliyo ciidanka, hoggaankooda iyo sida ay u dalacaan, waxayna taasi lamid tahay dambiilenimo” ayuu mar kale yiri Maareeye oo sidoo kale ku jira golaha wasiirada Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa sidoo kale farriin u diray shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna ugu baaqay in aysan dhageysan oo aysan qaadan warka xildhibaannadaasi.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in dowladda Soomaaliyeed ay hana qaatay, isla markaana labadii sano ee lasoo dhaafay la gaaray guullo aad waa wayn.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan leenahay haku sirmina kuwaas dalku horay ayuu u socdaa guulaha ay dowladdu gaartay labadii sano ee lasoo dhaafay waa wax aan qiyaasi karin oo bannaanka yaal yaal” ayuu mar kale yiri xildhibaan Maareeye.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleDowlada Xasan Shiikh oo Canbarayn xoogan kala Kulantay Xariga Wariye Cali Nor Salaad
Next articleXildhibaan Faa’iso Maxamed Jayte oo Jawaab Kulul Siisay Madaale kuna Tilmaamtay