Home Wararka Caalamka Wasiir ka tirsan Ruusha oo is toogtay kadib Markii Xilka Laga Qaaday

Wasiir ka tirsan Ruusha oo is toogtay kadib Markii Xilka Laga Qaaday

0

Gudaha Ruushka  saacadihii u dambeeyay waxaa ka socda dhacdooyinka la yaab leh  Wasiirka Gaadiidka Ruushka Roman Starovoyt ayaa xabbad madaxa isaga dhuftay oo isdilay  wax yar kaddib markii Madaxweyne Putin uu si deg deg xilka uga qaaday.

Starovoyt ayaa horey u ahaa guddoomiyaha gobolka Kursk  waxaana uu door muuqda ku lahaa howlaha gaadiidka iyo amniga gudaha ee Ruushka.

In lagu magacaabo muddo ka dibna lagaa qaado waa wax caadi ah balse waxaa lala yaaban yahay sababta uu wasirkan isku dilay markii shaqada laga eryey taasoo ay dad badan isweydiinayaan.

Dhinaca kale, Ku-xigeenka madaxa waaxda dhulka oo ka mid ah hay’adaha ugu muhiimsan Ruushka ee gacanta ku heysa qaab dhismeedka dhulalka  Andrey Korneichuk ayaa isagoo shir ka socda xarunta wasaaradda gaadiidka Ruushka ku sugan wuxuu  u dhintay wadnaha oo istaagay wax u muuqda in sun la cabsiiyay

Geeridan lama filaan ah waxay sii kordhinaysaa liiska saraakiil sare oo Ruush ah oo si lama filaan ah u geeriyoonaya tan iyo markii uu bilowday dagaalka Ukraine  taas oo dhalisay dareenno iyo tuhuno ku saabsan waxa ka soconaya gudaha Kremlin ka

Ad
Previous articleMareykanka oo Doonaya inuu Wadahadal la Furo Kooxda Shabaab Sida uu Sheegay Xamse Warfaa