Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo wacdaro ka Dhigay Dalka Masar(Sawiro)

Wasiir Fiqi oo wacdaro ka Dhigay Dalka Masar(Sawiro)

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Amb. Axmed Macallin Fiqi ayaa shir guddoomiyay kulan muhiim ah oo ay yeesheen Guddiga Wasiirrada ee Jaamacadda Carabta oo ka dhacay.

Shirkaas ayaa diiradda lagu saaray adkeynta taageerada wadamada Carabta ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka qeyb galay wasiirrada arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya, Baxreyn, Muritaaniya, Masar, Jabuuti, iyo Xoghayaha Guud ee Jaamacadda Carabta Axmed Aboul Gheit, ayaa waxaa si adag loo cambaareeyay Heshiiska Isfahamka ee Itoobiya ay saxiixday Janaayo 2024, kaas oo ay Soomaaliya sharci darro ku tilmaantay.

Wasiirrada ayaa mar kale xaqiijiyay midnimadooda ku aaddan taageerada Soomaaliya, iyagoo diiday tallaabo kasta oo khatar gelinaysa madaxbannaanida Soomaaliya, kuna adkeystay in gobollada Somaliland ay weli yihiin qayb ka mid ah dalka, sida ku cad Dastuurka Jaamacadda Carabta iyo Xeerka Qarammada Midoobay.

Taageeradan mideysan ayaa loo arkaa inay tahay tallaabo diblomaasiyadeed oo muhiim ah oo lagu xoojinayo dadaallada Soomaaliya ay ku dooneyso in ay Itoobiya kaga adkaato Fagaarayaasha dibloomasiyadeed ee caalamka.

Ad
Previous articleYaa ku Wehliya Xamsa Safarka Baydhabo iyo Qorsha Safarkaan?
Next articleCabdulqaadir Cilmi Cumar iyo marwadiisa oo Halgoob lagu Wada Dilay Galmudug