Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo u ambabaxay New York

Wasiir Fiqi oo u ambabaxay New York

0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta safar ugu amabaxay magaalada New York, isaga oo hoggaaminaya Wafdiga Soomaaliya ee ka qeybgalaya meertada 78aad ee fadhiga guud ee Qaramada Midoobey oo lagu dooranayo xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay taas oo lagu wado inay qabsoonto 6 bishan June.

Soomaaliya oo ah murashax , ayaa murashaxnimadeeda ku dhawaaqday sanadkii 2018, waxayna si rasmi ah taageero uga heshay kulankii caadiga ahaa, meertadiisa 44aad ee Golaha Fulinta ee Midowga Afrika ee qabsoomay bishii Febraayo ee sanadkan.

Ad
Previous articleQoor Qoor oo xariga Ka Jaray Xarun casri oo Laga Dhisay Cadaado(Sawiro)
Next articleYaa Ka Danbeeyey Dilka Ganacsadaha Maantay Lagu Dilay Hobyo Xageese kasoo jeedaa?