Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo dib-u-heshiisiinta dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalim Fiqi ayaa ku dhawaaqay dagaal nooc cusub oo ka dhan ah koox uu sheegay inay ka daran tahay Al-Shabaab.
Kooxdan ayuu sheegay inay yihiin kuwa baraha bulshada ka buun-buuniya jabka mararka qaar soo gaara ciidamada iyo weerarada ay fuliyaan kooxaha argagixisada, kuwaasi oo uu ku tilmaamay “maafiya ma naxayaal ah.”
“Waxaa jira kooxo aan Khawaarijta aheyn oo xoriyad dalalkooda ku haysta oo Soomaali ah oo jecel askari marka la dilo in meydkiisa soo dhigaan sida Al-Shabaab-ka usoo dhigaan oo kale, oo marka baabuur ciidanka laga qabsado jecel inay buun-buuniyaan baaburkaasi,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa sheegay in dadkaasi ay dowladda ka qaadeyso tallaabo, ayna la galeyso dagaal lamid ah kan kooxda Al-Shabaab, “Kooxahaas waxay u baahan yihiin dagaal gacan saar ah, diyaar sow looma ahan.”
Kooxdan ayuu sidoo kale sheegay in aysan rabin in laga adkaado aragagixisada Al-Shabaab, xilli dhawaan uu bilaabanayo wejiga labaad ee dagaalka, kaasi oo madaxweyne Xasan Sheekh u tegay magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug.
“Waa kuwa jecel in Khawaarijta noo joogto. Arrinta Shabaab oo laga guuleysta u arka Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrin hela, uma arkaan dhibaatada Khawaarijta ee la qabanayo ee waxay ka fiiranayaan siyaasadda ay uga aragti duwan yihiin,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Waxa uu intaasi kusii daray “Waxay rabaan in ciidankeena guul-dareystaan oo Khawaarijta guuleystaan, kooxahaas ka aamus ma mudna oo meelaha lagu arka iyaga oo wax qoraya, iyaguna dagaalka qeyb ayay ka yihiin.”
Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni
In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday