Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay hadal kasoo yeeray Shiikh Shariif ee ahaa...

Wasiir Fiqi oo ka Jawaabay hadal kasoo yeeray Shiikh Shariif ee ahaa ” Muqdisho Amaan Mahan”

0

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si kulul u dhaliilay wareysi uu bixiyay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ammaanka magaalada Muqdisho ku sheegay mid aan la isku haleen karin.

Wasiir Fiqi ayaa ku eedeeyay Shariifka iyo xubno kala tirsan madasha samatabixinta inay diideen saddex arrimood oo muhiim u ah dowladnimada kuwaasi oo kala ah doorashooyinka, dastuurka, iyo ammaanka dalka.

Wasiir Fiqi, oo qoraal kooban ku faafiyay boggiisa Facebook, ayaa sheegay in Madashu ay si joogto ah uga soo horjeedo dadaallada dowladda ee ku aaddan hirgelinta hanaanka doorashada, dhammeystirka dastuurka iyo xaqiijinta ammaanka caasimadda iyo guud ahaan dalka.

“Doorashadii waa ay diideen, dastuurkii waa ay diideen, haatanna waxa ay muran gelinayaan ammaanka jira ee ay qireen shacabka iyo ciidamada shisheeye ee dalka jooga,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Sidoo kale, Wasiir Fiqi ayaa xusay in magaalada Muqdisho ay noqon doonto xarunta ugu weyn ee dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed bishan, maadaama ay u diyaar garoobeyso doorashooyinka.

“Kuwa la xisaabtami kara amniga iyo horumarka dalka ayaa ka shaqeyn doona arrimaha socda, mid kasta oo ka hor yimaada arrintan waa mid ka horjeeda horumarka qarankeena,” ayuu ku daray.

Wareysiga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed uu siiyay BBC-da ayuu kaga hadlay arrimo dhowr ah oo doorashooyinka quseeyay waxaana uu tilmaamay in doorasho ay ka bilaabto heshiis iyo amni iyo hanaan heshiis ah oo ka hirgalo dalka isagoo sheegay in amniga dalka uu meel halis ah marayo.

Ad