Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo ka hadlay Eedeymaha Ku Saabsan in dowladda Ciidamo Geysay...

Wasiir Fiqi oo ka hadlay Eedeymaha Ku Saabsan in dowladda Ciidamo Geysay Sanaag iyo Sool

0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa si cad u beeniyay wararka sheegaya in dowladda Federaalka ay ciidamo u dirtay gobollada Sanaag iyo Sool, isaga oo sheegay in aysan jirin sabab suurtagal ah oo ciidamadaas loogu diri lahaa deegaannadaas.

“Waxaan si cad u caddaynaynaa in Dowladda Federaalka aysan ciidan geynin gobollada Sanaag iyo Sool, sabab loo geeyana aysan muuqan,” ayuu yiri Wasiir Fiqi, isagoo ka hadlayay wararka maalmihii dambe ku wareegayay baraha bulshada.

Wasiirku wuxuu sidoo kale dhaliilay eedeymaha loo jeedinayo dowladda Federaalka, isagoo ku tilmaamay kuwo aan caddayn loo hayn.

Ad
Previous articleLaascaanood oo lagu soo Dhaweeyay Guddoomiyihii hore ee Barlamaanka Puntland iyo Ergo uu Hogaaminayo
Next articleDowlada Sacuudiga oo Xukuno Dil ah ku Fulisay Ajaanib kala Duwan oo Somali ku jirto