Home Wararka Maanta Wasiir Fiqi oo Dagaal Diblomaasiyadeed kawada Dalka Masar

Wasiir Fiqi oo Dagaal Diblomaasiyadeed kawada Dalka Masar

0

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi oo haatan ku sugan dalka Masar ayaa dhaq-dhaqaaqyo culus ka wada magaalada Qaahira oo uu uga qayb-galay shir caalami ah.

Fiqi ayaa xaadiray meertada 162-aad ee shirka Golaha Jaamacadda Carabta Heerkiisa Wasiir Arrima Dibadeed, kaas oo ka qabsoomay xarunta dhexe Jaamacadda Carabta ee magaalada Qaahira ee caasimada dalka Masar.

Intiisa badan waxaa shirka diiradda lagu saaray xaaladihii u dambeeyay ee gobolka, gaar ahaan duulaanka iyo barakicinta gardarrada ah ee lagu haayo shacabka reer Falastiin oo ay weli duqeymo ku hayaan ciidamada Israel.

Sidoo kale madaxda Carbeed ee ka qayb-galay shirka ayaa si wadajir ah hoosta uga wada xariiqay muhiimadda ay leedahay in shacabka Falastiiniyiinta loo fududeeyo gaarsiinta Kaalmada Bani’aadannimo, lana dhaqan galiyo xabad joojin shuruud la’aan ah, si mandiqadda loogu soo dabaalo xasilooni waarta.

Waxaa sidoo kale la filayaa in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu sii wado kulamadiisa, isaga oo gargaar ula shiri doono madaxda Masar iyo kuwa kale oo isugu tegay magaalada Qaahira.

Arrimaha muhiimka ah ee uu la shar tegayo Fiqi ayaa waxaa ugu muhiimsan sii dhaqaajinta heshiiska difaaca ee labada dal iyo sidii loo sii hormarin lahaa iskaashiga cusub ee Soomaaliya iyo Masar.

Dhaq-dhaqaaqyadan aya waxa ay kusoo aadayaan, xilli haatan gobllka ay ka taagan tahay xiisad culus oo ka dhalatay heshiiska badda, taas oo u dhexeyo xukuumadaha Muqdisho iyo Addis Ababa.

Xiisadda ayaa haatan yeelatay waji cusub, kadib markii ay kusoo biirtay dowladda Masar oo ay Wabiga Nile isku hayaan Itoobiya, waxaana Qaahira ay ciidamo usoo direysaa Soomaaliya, kuwaas oo beddalaya ciidamada Itoobiya, marka uu dhammaado howlgalka ATMIS.

Ad
Previous articleRaysulwasare Xamsa oo Maantay ku Wajahan Baydhabo
Next articleAxmed Karaash oo Digniin Adag Usoo Diray Dowlada Soomaaliya