Home Wararka Maanta Wasiir Cawad oo ka horyimid Talaabadii uu Doorashada u qaaday Saciid...

Wasiir Cawad oo ka horyimid Talaabadii uu Doorashada u qaaday Saciid Deni.

0

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Ciise Cawad oo haatan dhaq-dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal ayaa ka horyimid tallaabadii uu doorashada u qaaday Saciid Deni.

Cawad ayaa ka biyo diiday diiwan-gelinta hadda ka socota deegaanada maamulkaasi, taas oo ku aadan doorashooyinka qof iyo codka ah ee haatan laga wado Puntland, Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu sharci darro ku tilmaamay qaabka ay madaxtooyada wax u wado, isaga oo sheegay in waxa socda laga leeyahay ujeedooyin guracan, sida uu hadalka u dhigay.

“Annagu waxaan u aragnaa in diiwaan-gelintaas aysan sharci ahayn in aysan wax wanaag ah soo kordhin doonin waxayna u eg tahay diiwaan-gelin ujeeddo kale laga lee yahay” ayuu yiri Dajire Axmed Ciise Cawad.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in diiwaan-gelintaas ay diideen dhammaan ururada siyaasada ee ugu waaweyn Puntland sida uu ku dooday wasiirkii hore ee arrimaha dibadda.

Danjire Cawad oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday inay dalbanayaan in la qabto doorsho loo dhan yahay, ayada oo la ilaaliyo dimuquraadiyadda iyo horumarka Puntland.

Puntland ayaa wajaheyso xaalad kacsan, taas oo ka dhalatay muranka hareeyay hanaanka doorashada maamulkaasi oo ay haatan isku hayaan mucaaradka iyo madaxtooyada.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayadoo Talaadadii shalay Madal Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin siyaasiyiin, aqoonyahano iyo waxgarad reer Puntland ah looga dhawaaqay magaalada Garoowe ee xarunta maamulkaasi, taas oo uu qayb ka yahay wasiirkii hore ee dibadda.

Xubnaha qaybta ka ah Madashan ayaa waxa ay isugu jiraan kuwa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladda federaalka iyo sidoo kale dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDowlada Ciraaq Oo Kudhawaad $100 Miliyan Deyn Ah Ka Cafineyso Soomaaliya.
Next articleRonaldo iyo lamaanihiisa oo Durbaba jabiyeen sharci aad u adag oo u yaallay Sacuudiga.