Home Wararka Maanta Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo mar kale ku dhowaaqday in ay qaadaneyso...

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya oo mar kale ku dhowaaqday in ay qaadaneyso illaa 3,000 oo Macallimiin ah

0

Wasaaradda Waxbarashada Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ku dhowaaqday in ay qaadaneyso illaa 3,000 oo Macallimiin ah, kuwaas oo ka shaqeyn doono horumarinta waxbarashada dalka.

Wasiiru dowlaha wasaaradda waxbarashada Nuura Mustaf Mukhtaar oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay mar kale farxad u tahay qaadashada macallimiin cusub.

“Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tactliinta Sare ee dalka waxaa mar kale farxad u ah in mar kale shaaciso qaadashada wajiga labaad ee macallimiinta Soomaaliyeed, ayada oo la qaadan 3,000 oo bare Soomaaliyeed ah” ayay tiri wasiir Nuura Mustaf Mukhtaar.

Sidoo kale waxa ay tilmaamtay in fursaddan ay ka qayb qaadan karaan macallimiinta Soomaaliyeed ee jooga magaalada Muqdisho, dowlad goboleedyada iyo SSC-Khaatumo.

“Dhammaan waxay fursaddan u furan tahay fursadda Baranimo, iyaga oo ka qayb qaadanayo macallimiinta qaranka Soomaaliyeed ee ka shaqeyn doono waxbarashada” ayay mar kale tiri.

Waxaa kale oo ay raacisay “Barayaasha la qaadan doono waxa ay ka shaqeyn doonaan heerarka kala duwan ee waxbarashada gaar ahaan dugsiga hoose, dhexe iyo sare iyo xanaanada”.

Nuura ayaa sidoo kale hoosta ka xariiqday in mudnaan gaar ah la siin doono gabdhaha macallimiinta ee soo gudbisa codsiga, si ay qayb uga noqdaan macallimiinta cusub.

“Waxaa mudnaan gaar ah lasiin doonaa barayaasha dumarka ah, ayada oo 30% ay noqon doonaan barayaasha la qaadan doono” ayay tiri wasiiru dowladaha wasaaradda.

“Ugu dambeyntii Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare waxay shaacineysaa in uu furan yahay dalabka mareegta macallimiinta ay kusoo codsanayaan, sidoo kalena ay furan tahay fursada qaadashada macallimiinta, laga bilaabo 2/07/2024” ayuu hadalkeeda kusoo gabagabeysay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada Dalka.

Ad
Previous articleMuxuu Yahay Markabka Dagaal ee Kusoo Xirtay Dekada Boosaaso?
Next articleDowlada Soomaaliya oo Dacwado Ka Gudbisay Dalal Kusoo Xad Gudbay Badda Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here