Home Wararka Maanta Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan oo Soo Saartay go’aan lala fajacay

Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan oo Soo Saartay go’aan lala fajacay

0

Wasaaradda arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxay bishan August 20-dii soo saartay go’aan lala fajacay, kadib, markii ay ku dhawaaqday in tiro siyaasiyiin iyo saraakiil ka tirsan ciiddanka RSF lagala laabtay naasabooradii dibloomaasiga oo ay horey dastuuri ahaaan ugu safri jireen.

Wareegtada ka soo baxday wasaaradda Arrimaha Dibedda ee dalka Sudan waxaa lagu shaaciyey in 24 qof lagala laabtay Baasabooradii Dibloomaasiga, kuwaasi oo la shaaciyey magacyadooda iyo Xilalka ay horey u hayeen.

Wasaaradda waxay ka codsatay dhamnaan Ergooyinka Safaaradaha ee Dibedda ku sugan inay Hay’adaha Awoodda u leh kala hadlaan inaysan la macaamilin dadkaasi lagala laabtay Baasabooradii Dibloomaasiga.

Dadka ugu caansan Liiska 24 qof ee la soo bandhigay waxaa ka mid ah: Taliyaha Ciiddanka Gurmadka Degdega ee RSF, Jeneral Maxamed Xamdaan Daglo, xaaskiisa, Aamina Muuse Ciise, iyo Walaalkiisa C/raxiim Maxamed Daglo Muuse.

Liiska waxaa kaloo ku xusan Hoggaamiyayaal ka tirsan Xooggaga Dimuqraadiyada iyo Isbedel-doonka , oo kala ah: Khaalid Cumar, Maxamed Al-Falki iyo Maryam Al-Saadaq .

Si kastaba, Go’aanka Baasabooradii Dibloomaasiga lagala laabtay 24-ka qof ayaa ku soo beegantay, iyadoo uu Milliteriga Dowladda Sudan iyo kuwa Gurmadka Degdega ee RSF uu Dagaal Qaraar maalintii Afaraad ku dhex marayo meel ku dhow Xarunta Dhexe Ciiddanka Gaadiidka Gaashaaman  oo ku yaalla Koonfurta Caasimadda dalkaasi ee Khartoum.

Maxmada Garoowe oo Xukuntay Nin Garaacay Wiil yar oo Ajanabi Ah

Maxkamadda Darajada 1aad ee gobolka Nugaal ee maamulka Puntland, ayaa maanta xukun adag oo xabsi ah ku riday nin oday ah oo lagu eedeeyay in si sharcidarro ah suuq dhaxdiisa

Dagaal Dhexmara Itoobiya iyo Ereteriya oo laga Cabsi Qabo Inuu Qarxo

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal cusub uu ka dhex qarxo dowladaha Ereteriya iyo Itoobiya, kuwaasoo maalmihii u dambeeyay ciidamo ku daabulayay deegannada u dhow xadka ay wadaagaan. Madaxweyne ku

Warar laga helayo Dagaalo ka dhacay Deegaano Hoostaga Galmudug Sida Ceelhuur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo Xalay ka dhacay deegaanka Biyo cadle oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Dagaalka ayaa ahaa mid

Xamse oo booqday ciidamada Dowladda iyo kuwa degaanka ee ku dhaawacmay dagaalka lagula jiro Al shabaab

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa xalay ku booqday isbitaalada Xooga dalka iyo isbitaalka Erdogan dhaawacyada Ciidanka Qaranka iyo kuwa deegaanka ee ay waxyeelladu ka soo gaartay dagaalka lagula

Xubno sare oo ka tirsan Al shabaab oo lagu dilay Duqeymo ka dhacday Gobolka Shabeellaha Dhexe

War saxaafadeed kasoo baxay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa lagu sheegay in iyagoo kaashanaya saaxiibada caalamka ay fuliyeen howlgal duqeyn ah oo si gaar ah loo qorsheeyay, kaas oo lagu
Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Shaacisay in Dakada Garacad Tahay Hanti Dowladeed oo Puntland kaligeed lahayn
Next articlePuntland oo si adag uga hortimid go’aankii dhawwaan Dowlada Soomaaliya kasoo baxay ee Tiktok, Telegram iyob1XBET