Home Wararka Maanta Wasaarada Maaliyada Somalia oo ka jawaabtay eedayntii uga timid hanti dhowraha Qaranka

Wasaarada Maaliyada Somalia oo ka jawaabtay eedayntii uga timid hanti dhowraha Qaranka

0

Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto warbixinta uu maanta soo saaray xafiiska Hanti dhowraha Qaranka.

Qoraal kooban oo ka soo baxay wasaaradda ayaa lagu yirri “Wasaaradda Maaliyaddu waxa ay la socotaa warbixinta Hanti-dhowrka Guud ee ku saabsan xisaab-xirka  2021-ka, ee uu sida tooska TV-yada uga sii daayay”

“Iyadoo la ixtiraamayo madax-bannaanida Xafiiska Hanti-dhowrka, Wasaaraddu waxa ay si qotto dheer u lafa-guridoontaa warbixinta Hanti-dhowraha Guud, iyada oo sida uga dhaqsiyaha badan Wasaaraddu ay ka soo saari doonto jawaabta ku habboon” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo ka so baxay wasaaradda maaliyadda.

Hanti-dhowraha guud ee Soomaaliya ayaa daabacay warbixin sannadeedka 2021 ee xaaladda maaliyadeed ee dawladda Soomaaliya.

Warbixintan hanti-dhowraha ayey ka muuqdaan khaladaad dhinaca maaraynta kharashaadka dawladda, qandaraasyada, iyo maamulka lacagaha soo galaya iyo kuwa ka baxaya, iyo weliba kabka miisaaniyadda.

Hanti-dhowraha ayaa sheegay in wasaaradda maaliyadda ay sanadkii 2021 lacag dhan $96,365,574 iyo dul-saarka daymeed oo dhan $14,605,118 ka daynsatay Bankiga Dhexe ee Somaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF, iyadoo amaahdas ay u baahnayd inuu baarlamaanku ansixiyo, hanti-dhowrku aanu arkin isla markaana aan la siinin wax caddaymo ah oo muujinaya in amaahdaas uu baarlamaanku oggolaaday, ama heshiisyada amaahda ee la galay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleNin kumanaan Km lugeeyey si uu Doha ugu soo daawado Koobka Aduunka(Sawiro)
Next articleBoqolaal qof oo ku dhintay dhulgariir xooggan oo u dhuftay magaalada Cianjur (Sawirro)