Home Wararka Maanta Wariye Cali Nor Salaad oo Saakay Warkaan Baahiyay Ayaa Caawa Xabsiga la...

Wariye Cali Nor Salaad oo Saakay Warkaan Baahiyay Ayaa Caawa Xabsiga la dhigay

0

Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa xiray weriye AliNur Salaad, oo kamid ah saxafiyiinta Rug-cadaaga ah ee ka howlgala Muqdisho.

Booliska ayaa Xarigiisa ku sheegay anshax xumo iyo been abuur, balse sida aan xog ku helay waxaa lagu heestaa war uu baahiyay oo ku saabsan saameenta uu ciidanka ku leeyahay qaadka xiliga ay joogaan furimaha dagaalka iyo qaadka dalka la keeno oo ay ku lug leeyihiin mas’uuliyiin sare oo dowladda katirsan.

Weriyaha ayaa muuqaalkiisa ku yiri “goob kasta oo ay ciidanka joogaan waxaa laga helaa qaad xataa goobaha cusub ee la qabto, marka ay cunaan arroorta hore xiliga ay hurdayaan ayaa lasoo weeraraa waana la-laayaa, haddiiba uu qaadka dhibkaas leeyahay ayna ka ganacsanayaan madaxa qaranka soo dambi maahan?”

Saxafiyiinta Muqdisho ayaa wajahaya culees gaar ah muddooyinkii lasoo dhaafay waxaana kordhay Xarigga iyo caga juglaynta uga imaaneysa hay’adaha amniga dalka.

Ad
Previous articleAxmed Madoobe oo ka Hadlay Jabkii Alshabaab lagu Gaarsiiyay Buulaxaaji
Next articleDowlada Xasan Shiikh oo Canbarayn xoogan kala Kulantay Xariga Wariye Cali Nor Salaad