Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya duqeyn xoogan oo xalay saq-dhexe diyaarado dagaal ay ka fuliyeen duleedka degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe, taas oo lala beegsaday goobo ay ku sugnaayeen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Duqeynta oo ahayd bartilmaameed ayaa si gaar ah uga dhacday inta u dhexeyso deegaanka Xawaadley iyo degmada Balcad, halkaas oo uu dhiwaan ka dhacay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen ciidamada dowladda, kaas oo dhaliyay khasaare kala duwan.
Wararka ayaa intaasi kusii daraya in duqeynta lala eegtay saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen halkaasi, waxaana gaaray maleeshiyada khasaare culus.
Xogta ayaa sidoo kale sheegeysa in la burburiyay saldhigyo iyo xarumo muhiim ah oo ay kooxda ku lahayd aagga ay duqeynta ka dhacday, iyada oo uu sii dheer yahay khasaare kale oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.
Illaa iyo hadda na jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay dowladda federaalka Soomaaliya oo ku aadan duqeyntaasi iyo khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xawaadley oo ay horay uga baxeen ciidamada ATMIS ayaa waxaa maalmahan culeys soo saaray kooxda Al-Shabaab oo weeraro ku haysay saldhigyada ciidamada dowladda.
Si kastaba, xaaladda ayaa weli aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa aagga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.
Warbaahinta Israa’iil ayaa baahiyay in diyaarad nuuca wax basaas ah oo ay lahaayeen milatariga Israa’iil shalay ku dhacday meel ku dhaw marinka Qasa ee dhulka Falastiin, kaddib marki la sheegay
Xulka Qaranka Soomaaliya ee da'doodi ay ka yar tahay 17 jirada ayaa maanta wajihi doona xulka Qaranka dalka Tunisia ee da'doodi ka yartahay 17jira tartanka 15aad ee Koobka Qaramada Qaarada
Taliska hay'adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA ayaa shaaca ka qaaday in howlgal Xalay ka dhacay deegaanka Geelgub oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe lagu dilay xubno ka