Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xildhibaanada labada Gole oo ansixiyay miisaaniyada 2024 iyo Mushaar...

Wararkii Ugu Danbeeyey Xildhibaanada labada Gole oo ansixiyay miisaaniyada 2024 iyo Mushaar Waali ah oo loo Kordhiyay…

0

Xildhibaanada labada Gole ee baarlamaanka federaalka ah eeĀ  Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho, kaas oo uu shir guddoomiye Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Ajendaha kulankan wadajirka ah ayaa ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka oo la horgeeyay labada Aqal ee baarlamaanka dalka.

Intaasi kadib xildhibaanadda ayaa ka dooday akhrintaa 2-aad ee miisaaniyadda dowladda ee ay usoo gudbisay wasaaradda, waxaana cod gacantaag ah ay ku ansixiyeen xildhibanada labada gole Miisaaniyadda dowladda ee sanadka soo socda ee 2024-ka.

Sida uu shaaciyay guddoonka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya waxaa miisaaniyadda meelmarisay illaa 186 Mudane oo ka kooban labada Gole, kuwaas oo gacan taag ku ogolaaday miisaaniyadda halka ay diideen 3 Xildhibaan oo kaliya.

Xildhibaan Mukhtaar Guuleed oo ka hadlayay ansixinta miisaaniyaddan ayaa sheegay inay ka dhigan tahay tallaabo horay loo qaaday, muhiimna u ah dey cafinta.

ā€œMiisaaniyadda in la ansixiyo maanta waxay muhiimad gaar ah u lahayd dalka, gaar ahaan deyn cafinta, xildhibaanaduna waxay muujiyeen waajibaadkooda dastuuriga ahā€ ayuu yiri

Dhankiisa Wasiirka Maaliyadda Mudane Biixi Imaan Cige oo kulanka goobjoog ahaa ayaa u mahadceliyay baarlamaanka, kadib khudbad ka jeediyay xarunta Villa Hargeysa.

Ugu dambeyn Biixi ayaa shaaca ka qaaday muhiimadda Miisaaniyaddani ay u leedahay Hannaanka Deyn Cafinta Soomaaliya oo hadda gaba gaba maraya

Raisal Wasaare Xambe Bare oo lagu Wareejiyay 25 kamid ah Maxaabiista Somaliland

Raā€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa la wareegay 25 maxbuus oo kasoo jeeda Somaliland, kuwaas oo lagu qabtay dagaalladii ka dhacay gobolka Sool, sida lagu sheegay warmurtiyeed

Magaalada Muqdisho oo Rasi ah looga bilaabay Diiwaangalinta Doorasho Qof iyo Cod

Waxaa maanata magaalada Muqdisho si rasmi ah uga bilaawday diiwaangalinta cod bixiyayaasha oo ah talaabadii ugu dambeysay ee ka harsanayd bilaabashada doorashada qof iyo codka ah ee golayaasha deegaanka. Guddoomiyaha

Warar laga helayo Dagaal ka Socda Galmudug gaar ahaan Deegaanka Haamcaduur

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo ka dhacay tuulada Haamcaduur oo hoostagta deegaanka Qaayib ee gobolka Galgaduud, kaasoo dhexmaray ciidamada deegaanka iyo kuwa Al-shabaab. Dagaalka ayaa la

UK oo kordhisay Kaalmada ay siiso Ciidanka Dowlada somaliya Xili uu jiro Dagaalka Shabaab

Iyadoo Soomaaliya ay wajahayso halis amni oo cusub oo ka imaanaysa Al-Shabaab oo markale xoogeysanaya, ayaa Boqortooyada Midowday ee UK waxay kordhisay taageerada ay siiso Ciidamada Amniga Soomaaliya (SSF). UK

Dalka Mareykanka oo lagu Xiray Muwaadin Somali ah oo lala Xiriirinayo dambiyo maandooriye

Saraakiisha Ilaalada Xuduudaha ee Maraykanka gaar ahaan Waaxda Blaine, Washington, ayaa xiray Muwaadin Soomaali ah oo taariikh dembi ku lahaa dalkaasi Mareykanka maadama lala xiriiriyay isticmaalka iyo dambiyada ka dhaca
Ad
Previous articleWar Deg Deg ah: Maxakamada Stanbul ooo soo Saartay Waaran lagu Soo Xiraayo Wiilka Madaxweyne Xasan Shiikh
Next articleXamaas oo Guulo waawayn ka Sheegatay Dagaalkii Ka Socda Gaza