Home Wararka Somaliya Koonfur Galbeed Wararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya

Wararkii Ugu Danbeeyey Xiisada Koonfurgalbeed iyo Dowlada Soomaaliya

0

Madaxweyne Xasan Sheekh oo sheegey inuu Baydhabo tagayo.

Iyadoo xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed ay cirka isku shareertay, ayaa warar cusub sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh laga yaabo inuu Baydhabo tago. Safarka laga soo wariyey madaxweynaha ayaa yimid kadib markii uu maanta la kulmay Taliyaha Ciidamada Asluubta, General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (General Shub), waxaana uu u sheegay in haddii Laftagareen uusan imaan Muqdisho, uu isaga (Xasan Sheekh) tegi doono Baydhabo.

Dhinaca kale, waxaa la soo warinayaa in Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, uu sheegay inuusan ku kalsooneyn magaalada Muqdisho, ayna suurtagal tahay inuu dowladda Federaalka uu kula kulmo kaliya magaalooyinka Kismaayo ama Garoowe. Arrintaan ayaa sii xoojisay xiisadda siyaasadeed ee u dhexeysa labada dhinac.

Sidoo kale, waxaa maanta fadeexad abuurey hadal ka soo yeerey Agaasimaha Wasaaradda Duulista, Bashiir Macalin, oo qaraabo dhow la ah madaxweynaha Soomaaliya. Bashiir Macalin ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ee taageeray joogitaanka ciidamada Itoobiya ay yihiin caruur Itoobiyaanku dhaleen, kuwaas oo degaankaas ku tarmaayey tan iyo xilligii madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf (AHN) uu talada hayey.

Ad
Previous articleCiidamada Dowlada oo Howlgal Culus Ku Furaaya Labadaan Magaalo oo Alshabaab kala jareen
Next articleWar Deg Deg Ah: Maxkamadda Sare ee dalka oo Go,aan ka Gaartay Kiiska Sayid Cali ee Gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis