Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan...

Wararkii ugu Danbeeyey Xasan Sheekh oo hal shuruud ku xiray inay wada-hadlaan Somalia iyo Ethiopia

0

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale caawa si adag uga hadlay xadgudubka Itoobiya ay ku dooneyso badda Soomaaliya, isagoo sheegay wax wadahal aysan Soomaaliya la geli doonin ilaa ay Itoobiya ka laabato heshiis beenaadkii uu Muuse Biixi u saxiixay.

“Itoobiya waxaan leenahay damaca kaaga jira inaad dhulkeena dhacdo ka imow, markaas ayaan wadahadli karnaa, laakiin madaxa ayaan qori kaaga qabanaa ee markaas kadib ila hadal, suurtagal ma noqoneyso, mana yeeleyso Soomaaliya,” ayuu yiri.

Madaxweynaha oo sii hadlayey ayaa yiri, “Faraqa ayaan ku heysanaa iyo faraqa ii daa intaan ku jirno heshiis kama dhalanayo dhexdeena, dadka shacabka ah ee Itoobiya waxaba uma qabno, wax kasta waxa ku dheelaya waa nidaamka dowliga ah, dhaqan dowladnimo iyo dhaqan derisnimo kama jiro Itoobiya, u soo noqda dhaqamada wanaagsan ee adduunka.”

Xasan Sheekh ayaa sheegay in 17 dal oo Afrikaan ah aysan bad laheyn, sidoo kalena aysan deriskooda kula dagaalamin inay bad helaan, iyagoo si nabad ah badeecadahooda ugala soo dega dalalka badda leh, sida uu sheegay Madaxweynuhu.

“Xalka kaliya ee Itoobiya aan ku wadajoogi karno waa inaan deris wanaag ku wada dhaqano, hadii ay xalka nacaan, anaguna xal ma rabno, maxaa naga ba’san?” Ayuu si caro leh u yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wuxuu sheegay in Itoobiya ay ka mid noqon karto wadamada aan badda laheyn ee hadana heli kara dhaqdhaaq dhanka badda ah, balse aysan ayadu go’aan ka gaari karin sida ay bad ku heli karaan.

“War dalkaan Soomaaliya awal ayuu tabasho qabay oo dhul badan xaq darro looga goostay, maanta in Itoobiya xagga ka soo wareegto oo dhul kale naga dhacdo suurtagal ma noqa doonto,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa caawa hadalkaan ka jeediyey munaasabad Koobka tartankii ciyaaraha Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Benaadir lagu guddoonsiiyay xulka Kubadda cagta Dowlad-goboleedka Galmudug oo kuguuleystay Tartankaas ayaa billado guddoonsiiyay Maamullada, Macallimiinta iyo Xiddigaha xulalka Galmudug oo kaalinta koowaad galay iyo Hir-shabeelle oo kaalinta labaadku guuleystay.

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay

Ciidanka Puntland oo saakay weerar ku qaaday firxadka kooxda Daacish ee Calmiskaad

Ciidamada difaaca Puntland ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday haraadiga kooxda Daacish ee ku dhuumaaleysanaysa buuraha Calmiskaad. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, weerarkan ayaa sababay khasaare soo gaaray

Dowlada Somaliya oo Sacuudiga kala hadashey Muwaadiniin ku Xiran Dalkaasi

Qunsulka dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Jiddah ee dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya Cabdweli Xirsi Cabdulle ayaa kulan muhiim ah la yeeshay guddoomiyaha Gobolka Najraan ee dalkaasi Amiir Jalawi Binu Cabdicasiis

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya oo Bogaadiyay Guulaha Ciidanka Dowlada

Wasiirka cusub ee Wasaarada Gaashaandhigga Soomaaliya Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa ku bogaadiyay guulaha muhiimka ah oo ay ka gaareen ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Wasiirka
Ad
Previous articleSida loo soo qabtay ninkii xaaskiisa ku gubay Muqdisho oo ku Sugnaa Dhul Furin ah oo ku Yaala Koonfurta Mudug?
Next articleYaa ka Danbeeyey Dilka Yaasin Fareey Walaalkiis oo Muqdisho Xalay lagu dilay?