Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Xaaladda Gaza oo kasii dartay

Wararkii ugu Danbeeyey Xaaladda Gaza oo kasii dartay

0

Israa’iil ayaa taangiyo u dirtay bariga deegaanka Jabaaliya ee waqooyiga Marinka Gaza subaxnimadii hore ee Axaddii shalay , ka dib markii habeenkii oo dhan ay duqeymo culcus oo cirka iyo dhulka ah ay ka fuliyeen aagaas.

Duqeynaha Israel waxaa ku dhintay 19 qof, waxaana ku dhaawacmay tobanaan kale, sida ay sheegeen saraakiisha caafimaadka.

Jabaaliya waxaa ku yaala xerada ugu weyn siddeedda xero qaxooti ee taariikhiga ah ee Gaza, waxaana ku nool in ka badan 100,000 oo qof, kuwaas oo intooda badan ka soo farcamay Falastiiniyiintii laga soo eryay magaalooyinka iyo tuulooyinka dalka hadda loo yaqaan Israa’iil. intii lagu jiray dagaalkii Carabta iyo Israa’iil ee 1948-kii.

Gelinkii dambe ee Sabtidii, millatariga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamada iyo taangiyada ay u direen Jabalia ay ka hortagayaan Xamaas, oo mar kale dib u soo celiso awooddeeda ciidan, oo ka Talisa Qaza.

Israa’iil ayaa wacad ku martay inay baabi’in doonto kooxda Xamas oo hogaaminaysay weeraradii lagu qaaday gudaheeda, balse duulaanka dhulka ee Gaza ayaa keenaya khatar wayn, iyadoo Xamas ay haysato la-haystayaal badan oo lagu qafaashay weerarka.

Cidamada Israa’iil ayaa go’doomiyay magaalada Gaza, oo ay ku nool yihiin 2.3 milyan oo qof, waxayna ka gaysteen xasuuq ba’an oo ka dhashay duqeymo ay ka fulineyso halkaasi.

Si kastaba, Baaqyada Caalamiga ah ee ku aaddan xabbad-joojin laga hirgeliyo Gaza ayaan weli loo dhega nuglaan, taasoo ka horjoogsatay dadka reer Gaza wax kasta oo magaalada gali jiray marka laga reebo tira yar oo gargaar bani’aadnimo ah

Dowlada Somaliya oo Shaacisay in Dalka uu aaday Doorasho Qof iyo Cod Ah

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa maanta shahaadada rasmiga ee Ururnimo Gudoonsiiyey Ururka 𝐌𝐢𝐝𝐨𝐰𝐠𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 oo soo buuxiyey shurudihii looga baahnaa. Kulanka shahaadada lagu gudoonsiinyey Ururka ayaa

Xiisada u Dhaxeysa Dalalka Itoobiya iyo Eritrea oo soo Kordheysa

Xiisada u dhexeysa Itoobiya iyo Eritrea ayaa sare u kacday, iyadoo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal uu si xowli ah u sii kala fogaanayo. Arrintan waxay salka ku haysaa Rabitaanka 

Nabadoono Caan ahaa oo ka mid noqday dadka ku dhintay weerarka hotel Qaahira ee Baledweyne

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilaawday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa oo uu xigay dagaal toos ah oo waabarigii hore ee saakay kooxda

Baarlamaanka Dalka Soomaaliya oo meel mariyay labo Hindise sharciyeed

Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta labo hindise sharciyeed oo muhiimad si aqlabiyad ah u meel mariyay kadib markii golaha shacabka ku yeesheen kalfadhiga lixaad kulankiisa lixaad oo uu shir

Wararkii Ugu Danbeeyay Dagaalka ka Socda Dalka Suuriya

Mid ka mid ah kormeerayaasha dagaalka Suuriya ayaa sheegay in iska hor imaad labo maalmood socday oo u dhaxeeyay ciidamada ammaanka Suuriya iyo rag hubeysan oo daacad u ah madaxweynihii
Ad
Previous articleNinkii ugu horeeyay ee loo geliyay kelli doofaar oo dhintay kadib…..
Next articleAlshabaab oo Weerar Qaraxyo ah Ku Qaaday Magaalada Baydhabo