Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Laasacanood

Wararkii Ugu Danbeeyey Xaalada Magaalada Laasacanood

0

Waxaa maalintii shannaad oo xiriir ah magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka socda dibad baxyo waa weyn oo rabsahado wata, kuwaa oo ay dhigayaan shacabka magaalada degan oo kasoo horjeeda maamulka Somaliland.

Dibad baxayaasha oo u badan dhallinyaro ayaa dhagxaan ku tuuraya ciidamada ammaanka Somaliland ee ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaa oo dhankooda shacabka ku ridaya rasaas nool nool.

Waxaa maanta inta badan xiran goobihii ganacsi ee magaalada Laascaanood, waxaana magaalada ka socda dibad baxyo xooggan oo dadku uga soo horjeedaan ciidamada iyo maamulka Somaliland ee jooga Laascaanood.

Isbitaalada kuyaalla magaalada Laascaanood ayaa ah kuwa mashquul ah, waxaana halkaasi la geeyay dad ku dhaawacmay dibad baxyada rabshadaha wata ee maalintii shannaad ka socda magaalada Laascaanood.

Wasiirka warfaafinta Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa shacabka Laascaanood ugu baaqay in xaalada dejiyaan, waxa uuna wasiirka codsaday in dhibaatada jirta wadahadal laga galo lana raadiyo xal aan rabsho aheyn.

Xaalada magaalada Laascaanood ayaa laga cabsi qabaa in faraha ka baxdo, waxaana magaaladaasi u dhaqaaqay gurmadyo ka kala baxay magaalooyin kala duwan ay kamid yihiin Garawe iyo Buuhoodle.

Doonyo Hub u siday Kooxda Shabaab oo lagu bur-briyay Duqeymo Cirka ah

Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM), oo kaashanayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa 15-kii Abriil 2025 duqeyn cirka ah ka fuliyay gudaha Soomaaliya, si loo burburiyo hub casri ah oo saarnaa dooni

Dowlada Somaliya oo Sheegtay in 35 Xubnood onShabaab ah lagu dilay Hawlgal ka Dhacay Gobolka Bay

In ka badan 35 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal culus oo ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Koonfur Galbeed.

Ciidanka Dowlada oo Kaashanaya kuwa Mareykanka oo Duqeyma ka geestay Aadan Yabaal

Warsaxafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyay duqeyn culus oo Xalay fiidkii lagula eegtay gudaha degmada Aadan yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab. Howlgalkaan

Madaxweyne Xasan Shiikh oo ka hadlay Dagaalka Aadan Yabaal ee Ciidanka Dowlada looga saaray

Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa si faahfaahsan uga hadlay dagaalka dowladiisa kula jirto kooxda Al-shabaab ee ka socda inta badan gobolada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh oo u muuqday

Ciidanka Dowlada iyo Kuwa Koonfur Galbeed oo Shabaab kula Dagaalamay Duleedka Baydhabo

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Baydhabo ee gobolka Bay gaar ahaan degaanka Burjeedka waxa uu dagaal culus ah ku dhex maray Ciidamada Militeriga Soomaaliya iyo kuwa Daraawishta Koonfur Galbeed oo
Ad
Previous articleWaa imisa Mushaharka Waalida ah ee Aan Hore Loo Arag Ee Ronaldo Ka Qaadan Doono Al Nassr?
Next articleAlshabaab oo Shacab Farabadan Ka Afduubtay Gobalka Hiiraan