Wararka ka imaanaya Gobolada Dhexe ayaa sheegaya in diyaaradaha dagaalka ee saaxiibada caalamiga ay sii wadaan weerarada dhinaca cirka ee ka dhanka ah maleeshiyada Al Shabaab ee ka hawlgala Gobolada Dhexe.
Wararku waxay sheegayaan in diyaaradaha dagaalka ee dalalka Mareykanka iyo Turkiga ay maalmihii ugu dambeysay duqaynta ugu badan ka fuliyeen Gobolada Galgaduud iyo Hiiraan.
Gobolka Galgaduud oo kale dhulka miyiga iyo hawdka ay ciidamada ku baahayaan ayaa waxaa jira duqaymo si is daba joog ah looga fuliyo, isla-markaana aanay Warbaahintu sheegin, xitaa tan Dowladda Federaalka.
Weerarada cirka ayaa la sheegay in ay xakameeyeen dhaqdaqaaqyadii maleeshiyada, taas oo ciidamada fursad u siineysa in ay si mug leh isugu fidiyaan dhulka la doonayo in laga sifeeyo kooxaha argagixisada.
Ilo-wareedyo muhiim ah ayaa sheegaya in Shabaabka Gobolada Dhexe ay ka cabanayaan duqaymaha iyo guuxa diyaaradaha ee sida joogtada ah u dul wareegaya deegaanada ay gacanta ku hayaan.
Cowsweyne iyo Wabxo waxay bilow u yihiin gulufka la maagan yahay in lagu soo xero geliyo labadaasi magaalo, oo Shabaabka hubeysani ay muddo dheer ka arriminayeen.
General Cabdullaahi Cali Caanood, Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa shacabka ugu baaqay in iyaga, carruurtooda iyo xoolahooduba ay ka fogaadaan dhulka ay ku sugan yihiin Shabaabka la doon-doonayo.