Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaaday Xabsiga Dhexe iyo rag Dil Ku...

Wararkii Ugu Danbeeyey Weerarkii Lagu Qaaday Xabsiga Dhexe iyo rag Dil Ku Xukunaa oo la Toogtay

0

Saakay Aroortii ayaa Mar Qura Waxaa Weerar Qaraxyo Ku Bilowday lagu Qaaday Xabsiga Dhexe Taas oo Amaankiisa aad loo ilaaliyo Dagaal Saacado badan Qaatay ayaana Halkaas ka dhacay Kaas oo lasoo Gabgabeeyey Goordhow.

Dagaalka ayaana Mar qura Ka dhex Qarxay Gudaha Xabsiga Dhexe Mana Jirin Rag Katirsan Alshabaab  oo Weerar ku yimid Balse Maxaabiistii ku Xirnaa Ayaa Bilaabay Xabada Kuwaas oo Lasoo Baxay Baskoolado Qoryaha Darandooriga Udhaca iyo Bambooyin kuwaas oo ilaa hada lagu jaha wareersanyahay Sida Hubkaas u heleen.

Ragaan ayaana La sheegay inay Gaaraayeen 4 Maxaabiis oo Dhamaantood ahaa Dil Sugayaal kana Tirsanaa Kooxda Alshabaab Waxaana laxaqiijiyay in Dhamaantood  La Toogtay  Kuna adkaatay inay Ka Baxsadaan Xabsiga Dhexe oo Qorshahoodu ahaa Dagaal kadib inay Boodaan.

Sadex Kamid ah Askarta Asluubta ee Joogay Xabsiga Dhexe Ayaa ku dhaawacmay Dagaalkaan iyo Taliye Ka tirsanaa  Baambayda ee Ciidamada Asluubta oo asna Goobta ku sugnaa.

Ragaan ayaana Lasheegay inay Hubka kala Soo Baxeen Joodariyaasha ay ku jiifeen Kuwwa oo la eegtay Xiligii Ugu Firaaqada Badnaa ee Xabsiga Dhexe Balse Gurmadyo deg deg ah oo ka kala Tirsanaa Haramcad Nisa Iyo Booliska oo Soo gaaray Xabsiga Dhexe ayaa Dagaal Culus la galay Ragii Maxaabiista ahaa ee rabay inay Baxsadaan

 

Ad
Previous articleWar Deg Deg Ah:Weerar qaraxyo ku bilowday oo lagu qaaday xabsiga dhexe ee Xamar
Next articleShacabka Muqdishu oo Lagu Soo Rogay Canshuur ay ka naxeen