Magaalada Anakara ee caasimada dalka Turkiga waxaa maanta si rasmi ah uga bilowday wada-hadallo farsamo oo xasaasi ah, isla markaana u dhexeeya mas’uul sar sare oo ka kala socda dalalka dariska ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa dhaqan-gelinta heshiiskii Ankara ee ay horay u gaareen labada dhinac ee ku aadanaa xal u helista muranka badda.
Wararka ayaa sheegaya in wada-hadallada hadda socda si gaar ah looga arrinsanayo codsiga Itoobiya ee ku aaddan soo gelista badda Soomaaliya, iyada oo soo mareyso dowladda federaalka Soomaaliya, si ay u hesho marin biyood ganacsi oo sharci ah.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daa’uud Aweys oo qayb ka ah guddiga farsamo ee ay dirtay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in wada hadaladan lagu qaada dhigayo sidii loo fulin lahaa heshiisyadii laga gaaray wada xaajoodyadii hore ee ka dhacay Ankara.
“Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Soomaaliya ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, kaas oo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara” ayuu yiri.
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay raaciyay “Soomaaliya waxaa ka go’an in ay abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam”.
Si kastaba, Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa haatan si weyn isugu soo dhawaaday, waxaana labada dal ay yeesheen wada-hadallo kala duwan oo foolka fool ah, kana kala dhacay magaalooyinka Addis Ababa iyo Muqdisho oo ay isku arkeen madaxda sare ee labada dowladood ee dariska ah.