Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaliya oo qaaday tallaabo diblomaasiyadeed culus kadib damacii Abiy...

Wararkii ugu Danbeeyey Soomaaliya oo qaaday tallaabo diblomaasiyadeed culus kadib damacii Abiy Axmed

0

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa billowday dadaallo diblomaasiyadeed oo ay garab ugu helayso dagaalka ka dhanka ah damacii Itoobiya ee helitaanka Bad.

Dadaaladda dowladda ay ku xoojineyso difaaca danaha Qaran iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay dhaq-dhaqaaqyadaas diblomaasiyadeed laga dareemay gobolka iyo caalamka, gaar ahaan dalalka saaxibada la ah Soomaaliya.

Ku-simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ahna Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Cali Balcad ayaa xalay kula kulmay Nairobi Madaxweynaha Kenya Wiliam Ruto.

Wasiir Cali Balcad ayaa waxaa uu Ruto kala hadlay arrimaha Geeska Afrika ku soo kordhay iyo xiisada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya ka dhex aloosan.

Madaxweynaha Kenya ayaa kulankaasi ku adkeeyay muhiimadda madax-bannaanida iyo dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo la dhowrayo axdiyada caalamka u degsan.

Sidoo kale waxaa maanta la filayaa in Waaaaradda Arrimaha Dibadda iyo La-taliyeyaasha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaarzha la kulmaan safiirada dalalka caalamka u joogo Soomaaliya.

Masuuliyiintan ayaa wakiilada caalamka la wadaagi doona warbixint xaalada ku soo korortay gobolka iyo dadaalka dowladda ugu jirto difaaca Midnimafa dhuleed ee dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sidoo kale khadka taleefanka kula hadlay madaxweynaha Masar iyo Amiirka Qatar, waxaana maanta la filayaa inuu madax kale oo dalalka daneeya Soomaaliya la hadlo, si uu taageero diblomaasiyadeed iyo garab istaag uga helo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxweynaha Masar Cabdifitaax Al-siisi ayaa ku ballamay inay adkeeyaan iskaashiga labada dowladood ee Soomaaliya iyo Masar, iyadoo loo midoobayo caqabadaha gobolka.

Dowladda Masar ayaa hadda u muuqata inay heshay garabka Soomaaliya, maadaama ay labada dal noqdeen isku cadow, kaasi oo ah dowladda Itoobiya. Masar iyo Itoobiya ayaa isku haya biyo xireenka wabiga Nile, ayaga oo ku sigtay inay xaaladoodu gaarto gacan ka hadal.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa hadda u muuqata mid taageero caalami ah u raadsaneysa difaaca dhulkeeda, kadib markii ay shalay burisay heshiiskii Muuse Biixi uu Addis Ababa kula gaaray Abiy Ahmed.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleBanaanbax Wayn oo ka Dhacay Maantay Magaalada Muqdisho(Sawiro)
Next articleWar Deg Deg ah: Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo Kuwa Gor Gor oo Si Rasmi ah ula Wareegay Magaalada Caad