Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Somaliland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii...

Wararkii Ugu Danbeeyey Somaliland oo qaaday tallaabo cusub oo la xiriirta heshiiskii Badda

0

Somaliland oo weli ku adkeysaneysa heshiiskii is-afgarad ee 1-dii Janaayo ee sanadkaan ay la gaartay Ethiopia, ayaa qaaday tallaabo cusub oo u muuqata in maamulka uu ku muujinayo in weli uusan waxba iska bedelin heshiiskaasi, xilli ay ka horyimaadeen DF iyo caalamkaba.

Madaxda Guddiga farsamo ee xukuumadda Somaliland u xil u saartay heshiiska Somaliland iyo Ethiopia oo muddooyinkii dambe dadaallo lagu xoojinayo dhaqan-galka heshiis beenaadkaasi ayaa waxay la kulmeen hoggaamiyeyaasha mucaaradka Somaliland.

Mucaaradka ayaa Soo dhaweeyey heshiiskii is-afgarad ee dhex maray Somaliland iyo Ethiopia kadib kulan ay labada xisbi mucaarad la qaateen madaxda guddiga farsamo ee heshiiska labada dhinac.

Kulanka guddigu la qaateen hoggaamiyayaasha axsaabta mucaaridka ah ee Ucid iyo Waddani ayaa lagu sheegay in ujeedkiisu ahaa mid isxog-waraysi iyo talo urursi la xiriira isfahamka dhex-maray Somaliland iyo Ethiopia oo ay guddidani ku hawlan tahay lafa-gurkiisa.

Guddiga ayaa waxay hoggaanka sare ee asxaabta mucaaradka uga warbixiyeen hawlaha ay guddi ahaan gacanta ku hayaan iyo hirgelinta hawlaha ay u xil-saaran yihiin, ayada oo hoggaanka labada xisbi ay aragtiyo iyo tallooyin la xiriira heshiiska la wadaageen guddiga.

Madaxda asxaabta mucaaradka ayaa ku bogaadiyay dadaaladda guddigu gadhwadeenka ka yahay, sida lagu yiri bayaan kooban oo kasoo baxay kulanka guddiga farsamada heshiiskii Addis Ababa iyo hoggaanka xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Guddigan ayaa horey u booqday dhul badeedka loo asteeyay Ethiopia oo ku yaalla degmada Lughaya, halkaasi oo ay ka sameeyeen indho-indhayn iyo xog-ururin. Sidoo kale waxay la kulmeen odayaasha dhaqanka iyo qaybo ka mid ah bulshada deegaankaasi, xilli ay reer Lughaya meel adag iska taageen damaca gurracan ee Ethiopia iyo heshiiskii 1-dii Janaayo ee sanadkaan.

Arrimahan ayaa imanaya xilli lasoo warinayo in Ethiopia ay ka fakareyso inay ka laabato qorshaha ay ku aqoonsan laheyd Somaliland ee qeybta ka ah heshiiska is-afgarad ee u durbaan tumaneyso Somaliland.

Warbaahinta Bloomberg ee Mareykanka ayaa illo-wareedyo kasoo xigatay in wada-hadallo dhowaan ka dhacay Nairobi oo uu la yeeshay madaxweynaha Kenya William Ruto, ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed uu ku muujiyey inuu diyaar u yahay “inuu dib uga laabto” qeybaha muranka dhaliyey ee heshiiska, si uu soo celiyo xiriirka Soomaaliya.

Saraakiisha Ethiopia ayaa si qarsoodi ah ugu sheegay saraakiil ajnabi ah in dalka uu diyaar u yahay “inuu meesha ka saaro aqoonsiga Somaliland, sida ay sheegeen shan diblomaasi shisheeye oo lagu wargeliyey mowqifka Addis-Ababa.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa ku adkeysaneysa in aysan marna wada-hadal toos ah la geli doonin Ethiopia, illaa Addis-Ababa ay ka laabato heshiiska sharci-darrada ah ee ay la gashay Somaliland, waana midda la rumeysan inay soo dadajisay in Ethiopia ay ka fikirto ka laabashada qeybo kamid ah heshiiskaasi.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleMareykanka oo ku dhawaaqay in la dilay hoggaamiye sare oo ka tirsan Xamaas
Next articleWararkii Ugu Danbeeyey Dad Salaad Taraawiix ah ku dukanayay Hotel oo la weeraray iyo khasaaro ka dhashay