Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Shir u dhexeeyo Farmaajo, Shariif iyo Deni oo ka...

Wararkii ugu Danbeeyey Shir u dhexeeyo Farmaajo, Shariif iyo Deni oo ka furmay Garoowe

0

Magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal waxaa maanta ka furmay shir xasaasi ah oo u dhexeeyo madaxweynayaashii hore ee dalka, Maxamed Cabdullahi Farmaajo, Shariif Sheekh Axmed iyo hoggaamiyaha Puntland Saciid Deni.

Shirkan aya waxaa sidoo kale goob joog ah madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland iyo xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Inta uu socdo shirka ayaa waxaa diiradda lagu saarayaa arrimaha masiiriga ah ee dalka, gaar ahaan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee dalka oo dood ay ka taagan tahay.

Dooda dastuurka ayaa haatan mareysa meel xasaasi ah, waxaana isku haya dhinacyada mucaaradka iyo kooxda Villa Soomaaliya oo garab ka heleyso guddoonka baarlamaanka.

,Madaxweyne Xasan Sheekh oo shalay hadlay ayaa sheegay in la joogo xilligii loo guntan lahaa howsha dastuurka, maadaama uu sanado badan qabyo ahaa, ayna lagama maarman tahay in la dhaqaajiyo oo hore loo wado.

Kulanka ka furmay ayaa kusoo aadaya, xilli ay Villa Somalia isku dayeyso in ay meel-mariso dastuurka dalka oo ay haatan ku howlan yihiin labada gole ee baarlamaanka dalka.

Shariif, Farmaajo iyo Deni ayaa qorshahooda yahay sidii ay u sameyn lahaayeen isbaaheysi siyaasadeed mucaarad ah oo ka dhan ah madaxweyne Xasan Sheekh, si ay uga hortegaan qorshihiisa ku aadan wax ka beddelka dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Saddexda nin ayaa xilligaan ka mideysan diidmada qorshaha dhameystirka dastuurka ee ay waddo Villa Soomaaliya, waana qodobka la aaminsan yahay in uu ka bilaaban karo is-xulefysiga labada dhinac.

Si kastaba, dhaq-dhaqaaqa ka socda Garoowe ayaa imanaya xilli uu halkiisi yahay khilaafka madaxweynaha Puntland Saciid Deni kala dhaxeeya madaxweyne Xasan Sheekh.

Gudoomiyaha Barlamaanka oo diiday Mooshin xil ka qaadista xildhibaan Abiib

Kulankii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee maanta qabsoomay ayaa kusoo dhammaaday buuq iyo natiijo la’aan, kaddib markii xildhibaanno kasoo horjeeda go’aankii xubinnimada looga qaaday Xildhibaan Cabdullaahi Xaashi Abiib ay horgeeyeen mooshin

Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Shabaab oo buux Dhaafiyay Miiga Magaalada Baydhabo o

Maleeshiyaad aad u hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta mar kale lagu arkay miyiga ku xeeran magaalada Baydhabo ee gobolka Bay sida ay sheegayaan dadka deegaanka iyo qaar

Puntland oo sheegtay in Togga Miiraale ay ka Sifeesay Kooxda Daacish

Ciidamada  Puntland ayaa shalay hawlgal ballaaran ka fuliyey dooxada Miraale, halkaas oo ay ku dileen dagaalamaayal ka tirsan kooxda Daacish oo halkaas ku dhuumaalaysanayey muddo dheer. War kooban oo kasoo

Dowlada Maraykanka oo shan milyan oo dollar ku raadinaya xogta haweeney Soomaaliyeed oo katirsan Daacish

Dowladda Maraykanka ayaa shaacisay inay bixinayso abaalmarin lacageed oo gaaraysa illaa $5 milyan, oo la siinayo cid kasta oo keenta xog lagu soo qaban karo haweeney lagu magacaabo Khadra Ciise,

Maamulka Somaliland oo Dowlada ku eedeeyay Dagaal ka dhacay Gobolka Sanaag

Xukuumadda Somaliland oo ka hadashay dagaalkii shalay ku dhexmaray ciidamadeeda iyo kuwa SSC-Khaatumo deegaanka Dhuumadare ee gobolka Sanaag, ayaa sheegtay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad ay taageerto Soomaaliya ay
Ad
Previous articleDagaal culus oo uu ku Geeriyooday Taliye libaan Golcad oo kasoo jeeda Galmudug oo saakay ka dhacay…
Next articleWararkii Ugu Danbeyeey kulankii Baarlamaanka iyo Buuq Maantay Hareeyey