Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qodobada Laisku Mari la’yahay ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran

Wararkii Ugu Danbeeyey Qodobada Laisku Mari la’yahay ee Shirka Golaha Wadatashi Qaran

0

Shirka Golaha Wadatashi Qaran oo galay maalintii labaad ayaa waxaa miiska saaran laba dood oo dhinacyadu ay isku hayaan.

1) Guddiga doorashada ayaa ah qodob adag oo leh fasiraad kala duwan, xeerka ka soo gudbay golaha wasiirada oo aan wali soo marin labada aqal ayaa muujinaya dhisidda guddi doorasho oo qabanaya dhamaan doorashooyinka heer federaal iyo midda dowlad Goboleedyada.

Qodobkan waxaa diidan maamulada oo iyaga raba in ay sameystaan guddiyo doorasho oo qabta doorashooyinkooda, taasina waxaa diiddan dowladda dhexe oo iyadu rabto doorasho halmar ah oo ay qabtaan guddi qaran oo soo mara hay’adaha dowladda waana halka ay ka jirtaa doodda adag keentay guuxa ah in Villa Soomalaiya ay rabto muddo kordhin maamulada ah.

Qodobka kale ayaa ah muddo kordhin kale oo la sameeyo lana qabto doorasho halmar ah 2025 bisha November, waxaase tani liqi la’ Madaxweyaasha shirka soo xaadiray.

Ugu dambayn waxaa jira cadaadis siyaasadeed oo ka imaanaya laba jaho oo kala ah.

1 Siyaasiin uu damac kaga jiro kuraasta ay ku fadhiyaan afarta maamul goboleed oo waqtiga uu ka idlaaday xilli hore.

2 Cadaadis bulshada rayadka iyo saaxibada caalamiga ah oo daneenaya in madaxdu ay aadaan doorasho.

Dowlada Mareykanka oo Sabab u Noqotay Xil ka badelka lagu Sameeyay Wasiirka Gaashaandhigga

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa isku shaandheyn iyo is beddel ku sameeyay qaar kamid ah golihiisa Wasiiradda, waxa uuna xilka ka qaaday kana saaray meesha labo Wasiir,

Raisal Wasaare Xamze oo Magacaabay Wasiiro Cusub Kadib Isku Shaadheyn uu Sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamze Abdi Barre ayaa maanta magacaabay xubnahan cusub ee Wasiirrada ee Xukuumadda JFS ee kala ah: 1. Md. Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi –

Kooxda Xisbullah oo weerar khasaaro geesatay ka fulisay gudaha Suuriya

Dagaallamayaal katirsan ururka Shiicada ee Xisbullaah , ayaa lagu soo waramayaa in gudaha u galeen qeybo kamid ah dalka Suuriya, waxa ayna kooxdan weerar ku qaadeen goob ay joogeen ciidamo

Meydka Nin la weysanaa Mudo oo laga helay hotel ku yaalla Muqdisho

Nin muddo labo Maalin ah la weysanaa ayaa Meydkiisa laga helay qol uu ka deganaa Hotelka Mansoor oo ku yaalla Nawaaxiga Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho. Marxuumka ayaa lagu sheegay

Madaxweynaha Turkiga oo Saddex Qodob kala hadlay dhigiisa Mareykanka Trump

Madaxweynayaasha dalalka Mareykanka iyo Turkiga ayaa yeeshay wadahal dhinaca telfoonka ah, waxa ayna labada masuul kawada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ugu horreeyaan xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya
Ad
Previous articleQaramada Midoomay oo Galabtay Kulan Xasaasi ah Ka Leh Xalaada Soomaaliya
Next articleXalaada Shirka Golaha wadatashi Qaran oo Sii Adkaatay Maxaa Laga Dooday Maantay?