Xafiiska Qaramada Midoobe ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray diyaarad u kireysneyd iyo shaqaale saarnaa oo shalay u gacan galay kooxda Al-Shabaab kadib markii ay ku degtay deegaan ay maamusho.
“Qaramada Midoobe waxay xaqiijineysaa inay jirto dhacdo diyaaradeed oo la xiriirta diyaarad u kiraysneyd QM, taasi oo ka dhacday deegaanada Galmudug ee Soomaaliya. Diyaaradda waxay ku guda jirtay daabulaad caafimaad oo dhanka hawada ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska QM ee Soomaaliya.
“Qaramada Midoobe waxay ku jirtaa hanaan ay ku ururineyso akhbaaraadka la xiriira. Waxaa socdaa dadaallo looga jawaabayo, waxaana akhbaar dheeri ah idinla wadaagi doonnaa marka la helo,” ayey tiri.
Diyaaradda ayaa ka kacday magaalada Beledweyne, waxayna kusii jeeday degaanka Wisil ee gobolka Mudug, sida uu sheegay wasiirka amniga Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe oo ku sugan degaanka Wisil.
Waxa kale oo uu sheegay in toddobada qof ee saarnaa diyaaradda, lix ka mid ah loo maleynayo inay yihiin ajaanib, halka qof kale uu yahay Soomaali. Waxa uu sheegay inay weli baarayaan xaqiiqda dhabta ah ee dhacdadan.
“Masuuliyiin saaxiibo ah oo isla joogno ayaa hadda agteyda ku wareysanayeen dadka meesha jooga, diyaaradii inay gubeena wey u xaqiijiyeen oo dadkii saarna ay wateen ayey u xaqiijiyeen,” ayuu yiri guddoomiye Faarax Diiriye.