Home Wararka Somaliya Hirshabeelle Wararkii Ugu Danbeeyey Qarixii Ka Dhacay HALGAN iyo Taliye Sare oo Ka...

Wararkii Ugu Danbeeyey Qarixii Ka Dhacay HALGAN iyo Taliye Sare oo Ka mid Noqday Dadka Ku Dhintay Qaraxaas

0

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar is-miidaamin ah oo ay markale kooxda Al-Shabaab saaka ka fulisay gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Weerarka ayaa waxaa loo adeegsaday gaari NOAH ah oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa, wuxuuna si gaar ah uga dhacay deegaanka Halgan oo ka tirsan gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay bartamaha magaalada, isla-markaana uu geystay khasaare isugu jiro dhimasho, dhaawac iyo burbur aad u xoogan.

Inta la xaqiijiyey waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan 3 qof, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, sida ay Mudug24 u xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoonyahay.

Dadka ku dhintay weerarkan waxaa kamid ah taliyihii C.I.D-da ee Beledweyne, Marxuum Jamaal Axmed Jaamac oo ku sugnaa goobta uu ka dhacay qaraxa is-miidaaminta ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal oo kasoo baxay saraakiisha amniga iyo maamulka Halgan oo ku aadan weerarkaasi is-miidaaminta ah ee saaka ka dhacay deegaankaasi.

Dhinaca kale kooxda Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkan ayaa shaaca ka qaaday inay la beegsatay xero ciidan oo ku taalla Halgan, Hiiraan, HirShabelle, Soomaaliya.

Qaraxaan ayaa kusoo adayo, ayada oo maalin kahor kooxda Al-Shabaab ay saddex qarax ka fulisay gudaha magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kuwaas oo sababay dhimashada ugu yaraan illaa 15 qof iyo dhaawac 50 kale oo u badan dad rayid ah.

Si kastaba, Hiiraan ayaa haatan wajaheysa xaalad adag oo ku aadan weerarada Al-Shabaab oo ku soo koobmay qaraxyo, kadib markii inta badan kooxda laga saaray gobolkaasi.

Dowlada oo Ciidan Dheeri ah u dirtay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa deegaanka Cadaan Laxeey oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Dhexe geysay ciidamo dheeraad ah oo ka qeyb qaadanaya howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. Deegaankaan ciidamada dheeraad

Shirkadda Dayaaradaha ee Turkish Airlines oo hakisay Duulimaadyadii Muqdisho

Shirkadda dayaaradaha ee Turkish Airlines ayaa hakisay duullimaadyadeeedi caalamiga ee ay ku imaanaysay magaalada muqdisho muddo maalmo ah. Ma cadda sababta ay shirkaddu u joojisay duullimaadyadeeda, hase yeeshee wararku waxay

Khudbadii Madaxweyne Donald Trump ee aqalka Congreska iyo Waxyaabihii uu kaga hadlay

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa khudbaddiisii ugu horreysay ee Congress-ka xilligii labaad ee madaxweynaha ku bilaabay isagoo ku dhawaaqay, “Ameerika way soo laabatay.” “Lix toddobaad ka hor, waxaan hor istaagay

Dagaal qaraar oo saakay ka dhacay Bariga Gobalka Mudug iyo Khasaaro ba’an oo ka dhashay

Dagaal aad u culus ayaa saakay goor hore ka qarxay Duleedka degmada Afbarwaaqo gaar ahaan degaanka Buq qalooc Dagaalkaan ayaa dhexmaray lama maleeshiyo beelood oo kasoo kala jeeda Maamulada Galmudug

Qaraxyo laga cabsi qabo in Sacaadaha Soosocda oo laga digay

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa Talaadadii soo saartay digniin ku socota muwaadiniinta Mareykanka, iyadoo sheegtay in ay heshay “xog la hubo oo la xiriirta suurtagalnimada weerarro dhowaan ka dhici kara”
Ad
Previous articleQarax Ismiidaamin Ah Oo Goordhow Lagu Weeraray Degmada HalganXili Alshabaab Qaraxyadii U Wareejiyeen Gobolka Hiiraan(Sawiro)
Next articleKooxda Madaxweyne Deni oo Garoowe ka sameeyey arrin yaab leh oo baaritaan lagu sameynayo