Home Wararka Somaliya Jubbaland Wararkii ugu Danbeeyey Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee lagu Qaaday iyo Khaasaraha Ka...

Wararkii ugu Danbeeyey Qarixii Ismiidaaminta ahaa ee lagu Qaaday iyo Khaasaraha Ka dhashay

0

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax is-miidaamin ahaa oo saaka lagu weeraray guriga Martida ee magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Guriga Martida ee weerarka lagu qaaday ayaa waxaa xilligaasi ku sugna masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo, saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka iyo siyaasiyiin kale.

Weerarkan ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari nooca aan xabadda karin oo laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa, kaasi oo lagu dhuftay albaabka hore ee guriga martida oo hoy u ah guddoomiyaha gobolka.

Wararka ayaa sheegaya in weerarkan is-miidaaminta ah ay ugu yaraan labo ruux ku geeriyootay, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo ay ku jiraan guddoomiyaha gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed iyo Abaanduulaha Qeybta 43-aad Korneyl Axmed Cabdullaahi (Labaale).

Sidoo kale waxaa burbur xoogan uu soo gaaray qayb kamid ah guriga martida degmada Baardheere.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in qaraxa kadib tiro hoobiyeyaal ah ay kusoo dhaceen degmada Baardheere, waxaana guri kuyaalla halkaasi ku dhintay laba carruur ah oo walaalo ahaa, halka kuwa kale ay ku dhaawacmeen.

Xiliga uu qaraxa is-miidaaminta dhacayay ayaa waxaa xarunta ka socday shir gaar ah oo mas’uuliyiinta waxyeelada soo gaartay iyo kuwa ka badbaaday ay uga arrinsanayeen howl-gallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay qorsheynayeen in ay ka fuliyaan deegaannada hoostaga degmada.

Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta uu weerarka ka dhacay, waxaana gebi ahaanba la xiray dhamaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardheere ee gobolka Gedo.

Ad
Previous articleMaxay ka wada hadleen Garaadada Laascaanood iyo guddiga Qaramada Midoobay?
Next articleAlshabaab oo Warlayaableh Kasoo saaratay Diktoorka Dilaga Ahaa ee Dhawaan Dowladu Soo Bandhigtay