Qarax culus oo is-miidaamin ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxaana ka dhashay khasaare dhumasho iyo dhaawacba leh.
Maqaayadda uu beegsaday ninkaas waxaa la sheegay inay aheyd mid lagu qayilo oo bulsho badan ay ku sugneed, qaraxa kadib ciidamada ammaanka, gaar ahaan booliska iyo nabad sugidda ayaa la wareegay amniga goobta oo dadka shacabka ah iyo warbaahinta looma ogola.
Dad badan ayaa laga soo sheegayaa halkaas ay waxyeelo kasoo gaartay, in kastoo aan weli la helin faahfaahin rasmi ah, hadana wararku waxay sheegayaan in dhimashadu ay ku dhowdahay 10 qof, dhaawacyo badana ay jiraan.
Goobta uu qaraxaasi ka dhacay ayaa aad ugu dhow madaxtooyada Soomaaliya, waxayna xisaabsan tahay degmada Howlwadaag, goobjoogayaal ayaa Caasimada Online u sheegay in qaraxaasi uu ahaa mid culus oo dhul badan burburiyey, sidoo kale sawirrada la helay ayaa muujinaya burbur baaxad leh.
Kooxda Al-Shabaab oo looga adkaaday dagaallada ka socda gobollada dalka ayaa sidoo kale laga hor istaagay qaraxyadii halista badnaa ee Muqdisho ay ka fuli jireen, hadda waxay ku soo uruureen inay qof qof u qarxaan, inta soo xirtaan jaakadaha qarxa.