Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho iyo Ciidamadii Sugaayay Amniga mUqdisho...

Wararkii Ugu Danbeeyey Qaraxyo Ka Dhacay Muqdisho iyo Ciidamadii Sugaayay Amniga mUqdisho oo ku Geeriyooday(Sawiro)

0
kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxyo maanta siyaabo kala duwa uga dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir, kuwaas oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, meelaha fogna laga hago.

Qaraxa koowaad ayaa ka dhacay degmada Dayniile, waxaana lagu soo warramayaa in lala beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo ka tirsan kuwa Boolis Milataaro, xilli ay marayeen laamiga dheer ee degmada Dayniile, gaar ahaan halka loo yaqaano Ceel Ifis.

Gaariga la qarxiyay oo ahaa nooca ay Soomaalida u taqaano Qooqan ayaa waxaa soo gaaeray burbur, waxaana sidoo kale dhimasho iyo dhaawac noqday askartii la socotay.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan ku dhintay ugu yaraan illaa laba askari, halka ay ku dhaawacmeen saddex kale oo kamid ahaa ciidamada la socday baabuurka la qarxiyay.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo dhaawacyada iyo maydadka kasoo qaaday halkaasi, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada Xamar.

Waa qaraxii labaad ee Muqdisho lagula eeganayao ciidanka cusub ee Boolis Milataari, tan markii lagu wareejiyay amniga Muqdisho oo ay ka bilaabeen howlgallo culus.

Dhanka kale, qarax labaad ayaa lagu soo warramayaa inay fashliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo ay ku qarxiyeen gudaha dgemada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Taliska Booliska Gobolka Banaadir oo qoraal soo saaray ayaa shaaca ka qaaday inay ka hortageen qaraxa, isla-markaana uusan geysan wax khasaare ah.

“22-05-2023 Abaaro 09:20am Ciidanka Boliiska degmada Wadajir oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa ka war helay miino ay khawaarijtu dhigeen guri daaqadiis, waxaana lagu guuleystay in laga hor tago isla markaana si nabad ah lagu qarxiyo ayadoon cidna waxyeelo kasoo gaarin” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay Taliska Booliska.

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa caasmada ka socday howlgallo ballaaran oo amni xaqiijin ah, kuwaas oo lagu fashiliyay weeraro, laguna qabtay hub loo waday Al-Shabaab.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleQarax Ka Dhacay Magaalada Muqdisho iyo Faahfaahin kasoo baxaysa
Next articleWAR DEG DEG AH: Madaxweyne Xasan oo safar qarsoodi ah ku tegay dalka…