Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh oo Habeenkii Labaad ku Hoyanaaya Furimaha...

Wararkii Ugu Danbeeyey Madaxweyne Xasan Shiikh oo Habeenkii Labaad ku Hoyanaaya Furimaha Dagaalka(Sawiro)

0

Wargaadhi, Luuliyo 03, 2024: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo u kuur-galaya xaaladda Ciidamada Qalabka Sida iyo furimaha dagaalka ka dhanka ah argagixisada ayaa deegaanka Wargaadhi ee Shabeelaha Dhexe kulan kula qaatay Odeyaasha dhaqanka iyo hormuudka bulshada deegaanka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay Odeyaasha Wargaadhi, doorkooda ku aaddan xoreynta deegaannada ay gobolka kaga harsan yihiin argagixisadu, isagoo xusay sida dowladdu ay u diyaarisay qalabka, gaadiidka, xarummaha ciidan iyo hubkii lagu dhammeystiri lahaa xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeeray Saldhigga Milatari ee laga hirgeliyey deegaankan oo u fududeynaya Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed baahiyaha farsamo ee muhiimka u ah jiidda hore ee dagaalka iyo dhammaystirka howlgalka dalka lagaga xoreynayo argagixisada Alshabaab.

Ad
Previous articleDowlada Soomaaliya oo Dacwado Ka Gudbisay Dalal Kusoo Xad Gudbay Badda Soomaaliya
Next articleDagaal Qaraar oo maanta dhex-maray Al-Shabaab iyo ciidanka Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here