Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo lagu laayay dhalinyaro, kaas oo Arbacadii shalay ka dhacay duleedka magaalada Gaariga ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.
Xildhibaan Deeqow Maxamed Barrow oo laga soo doorto magaalada Gaarisa ayaa BBC-da uga warbixiyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay dhalinyaradaas la gala tegay baabuurka, kadibna toogasho lagu dilay.
Deeqow Maxamed Barrow ayaa xaqiijiyay in dhacdadaan lagu dilay ugu yaraan 6 qof oo uu ku jiro darawaalkii gaariga ku waday dhalinyarada la laayey.
“Sida aad ka war haysaaan waxaa Gaarisa ka dhacday arrin aad u qaab daran oo fool xun waxaa la weeraray gawaari u socdeen magaalada la dhaho Huluqo oo ilmo yar oo dhalinyaro ah ay ku jiraan gaari lagala baxay magagaalada Gaarisa agagaarkeeda lix qof ayay ahaayeen gaariga inta lagala baxay ayaa la toogtay” ayuu yiri Xildhibaan Deeqow.
“Wax aan hadda dhaheyno qabiil oo aan hubno ma lahan, ilaahbaa garan wixii dhacay iyo wixii dilay magaaladan waxay aheyd magaallo nabad-gelyo fiican oo Umadda badan oo Soomaali ah ay magaallo ka dhiganeysay” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Xildhibaanku.
Ugu dambeyn wuxuu hoosta xariiqay in weli uu socdo baaritaan, isla-markaana falkan loo soo xiray laba nin oo uu sheegay in lagu tuhmayo weerarkaasi.
“Sida ay sheegeen laba ninbey soo qabteen oo ay tuhunsan yihiin inay ka dambeeyeen arrintan, mise inay ku lug lahaayeen” ayuu mar kale yiri xildhibaan Deeqow Maxamed.