Dowladda federaalka ayaa soo saartay war-saxaafadeed lagu shaaciyey khasaare culus oo kooxda Al-Shabaab lagu gaarsiiyey ugu yaraan seddax goobood oo howlgallo culus ay ka dhaceen.
Hawlgalka koowaad ayaa ka dhacay aagga degmada Xarardheere, waxaana lagu dilay Shabaab-kii ugu badnaa, kadib dagaal saacado badan qaatay oo kooxda looga difaacayey gacan ku heynta degmada Xarardheere oo inay la wareegaan ay damceen.
Hawlgalka labaad ayaa ka dhacay deegaanka Daarunicma oo hoos taga degmada Ruun-nirgood ee gobolka Shabeellada Dhexe, halkaas oo kooxda Al-Shabaab ay soo weerartay maalin ka hor, waxaana lagu gaarsiiyey khasaare culus.
Faahfaahinta howlgalkii Daarunicma ayaa intaas ku sii dareysa “Hawlgalkan ayaa waxaa sidoo kale lagu burburiyay gaadiid dagaal iyo saanad ciidan ayaa lagu bartilmaameedsadaymaleeshiyaadkii Khawaarijta ahaa ee soo weeraray deegaanka Daaru-Nicma.”
“Lix ka tirsan Khawaarijta ayaa lagu dilay halka seddax kalana lagu dhaawacay hawlgal lagu bartimaameedsaday fariisin Khawaarijta ay ku lahaayeen deegaanno hoos taga degmada Waajid ee gobalka Bakool,” ayaa lagu yiri warka dowladda.
Ugu dambeyntii bayaankaan ka soo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed waxaa ka go’an in la ciribtiro Khawaarijta caadeysatay dhibaateynta shacabka ee ka waantoobi waaya falalka wuxuushnimada ah.”