Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Khsaaraha Ka dhashay Weerarkii Beach View oo Kordhay

Wararkii Ugu Danbeeyey Khsaaraha Ka dhashay Weerarkii Beach View oo Kordhay

0

Warbixin cusub oo kasoo baxday dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay inuu kordhay khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ee ka dhashay weerarkii ay Jimcihii Al-Shabaab ku qaadeen xeebta Liido.

Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Mudane Cali Xaaji Aadan oo faah-faahiyay tirakoob ay sameysay dowladda ayaa xaqiijiyay inuu aad u kordhay khasaaraha, isla markaana dhimashada ay gaartay 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray ill 247 qof oo la geeyay isbitaallada magaalada Muqdisho.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay dhaawacyada 137 qof dib loogu celiyay guryahooda, kuwaas oo ay fududeyd xaaladooda, halka kuwa kalena weli lala tacaalayo xaaladoodda.

Sidoo kale wuxuu dadka ay xaaladdoodu liidato wasiirku ku sheegay in ay yihiin 11-qof, halka kuwa bukaan jiifka ah ee isbitaalada wali ku jira ay yihiin 64-qof.

Waxaa kale oo uu intaasi kusii daray in weli uu socdo gurmadka wadda dowladda Soomaaliyeed, isla markaana dhaawacyada culus loo qaadi doono dalka dibaddiisa.

Weerarkii Liido ayaa waxaa lagu beegsaday dad shacab ah oo u badnaa dhalinyaro, kuwaas oo ku sugnaa xeebta Liido ee degmada Cabdicasiis, waxaana qaarkood ay waxyeelo kasoo gaartay qaraxa, kuwa kalena toogasho iyo dagaal ka dhacay halkaasi.

Dowladda Soomaaliya oo tallaabo qaaday kadib weerarkaasi waxa ay tilmaamtay in lasoo xiray askar iyo saraakiil ku sugnayd aaggaas, sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre oo isna xalay booqday isbitaalka Difeer ee Muqdisho.

“Waxaan qaadnay tallaabooyin deg-deg ah oo la iskula xisaabtamayo, dad badan oo la tuhmayo oo ay saraakiil ku jirto ayaa xiran, baaris kalana waa ku jirnaa, waxaana rajeynayaa in aan qaaddi doonno tallaabo adag oo dhinaca amniga ah”. ayuu yiri Xamza.

Wafdi Kala Duwan iyo Ciidan gaaray Magaalada Laascoonood Xili uu ku Wajahanyahay Raisal Wasaare Xamze

Wararka aan ka heleyno magaalada Laasaanood ee xarunta maamulka SSC Khaatumo, ayaa sheegaa in saakay halkaasi gaareen wafdi horudhac u ah safarka Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar kamid ah

Caalamka:- Wada-hadal Dhexmara Mareykanka iyo Iran oo ka dhacaya Muscat

Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa Isniintii ku dhawaaqay in dowladdiisu ay wada hadal toos ah la bilaabeyso Iran, kaas oo la xiriira barnaamijkeeda sameysashada ee hubka nuclear-ka iyo sidii ay

Caalamka:- Qaxootiga gaarey Mareyakanka Xiliga Biden oo lagu Amray in Dalka ka baxaan

Dad badan oo muhaajiriin ah oo kunool gobollo katirsan dalka Mareykanka, ayaa haatan waxaa soo wajahay walaac kale oo hor leh, kaddib markii dowladda Madaxweyne Trump soo saartay amar cusub

Horjooge ka tirsan Shabaab iyo 20 Xubnood oo kale oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Dhexe

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgal qorsheysan oo ay iska kaashadeen ciidanka dowladda iyo saaxiibada Caalamka oo laga fuliyay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe. Howlgalka oo

Ciidanka Dowlada iyo kuwa Deegaanka oo la wareegay Gacan ku heynta deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya in aroorninadii hore ee saakay ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka howlgal qorshaysan kaga saareen deegaanka Geelgub ee gobolka Shabeellaha Dhexe maleeshiyaadka
Ad
Previous articleYaa ka Danbeeyey Dilka Ganacsade Yuusuf Cali Xuseen oo Xalay La dilay
Next articleMaxkamada Gobalka Banaadir oo Xukuno ku Riday Gabdhihii Tiktokerska Ahaa