Ciidamada Amniga Garbahaarrey ayaa xiray qaar ka mid ah Nabadoonadi shalay ka hadlay magalaada kuwaas oo ka digay gobalka in la keeno coladii Raaskaambooni, Xareed Nuur Shareeco iyo Ibraahim Guuleed ayaa ka mid ah ah Nabadoonada la xiray, shalay dhibaatada ay ka diigayeen ayaa ka dhacday saaka Dolow. Iyado will Somaaliyeed ay dileen ciidamad Itoobiy ee Dolow jogo. Gobalka ayaa sii galayo xasarad xiisado xambaarsan oo dadka indhergaradka ay ka digayeen.
Khasaraaha ka dhashay dagaalka Dolow ayaa lagu sheegay in ciidamada Dowladda sadex askari ay ka geeriyoodeen 6 kalana ay ka dhawaacmeen, Dhanka Itoobiyo waxaa jirto Khaasaro gaaray ciidamadooda waxaa la arkayay gaawaarida gurmadka deg deg ah oo daabulayo Khasaraaha dagaalka ku soo gaaray. Xaalada magaalada ayaa hadda degan.
Dhanka Baladaxaawo Khasaaro ayaa ka soo gaaray ciidamada Qaranka qarax dhacay wxaa ka geeriyotay labo askari. Sadex kalana dhaawac ayaa soo gaaray kuwaas lagu dabiibayo goobaha cafimaadka magalaada Baladaxaawo ayaa degantahay xaaladeeda.