Home Wararka Somaliya Galmudug Wararkii Ugu danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Beelaha Sacad iyo Laylkase

Wararkii Ugu danbeeyey Khasaaraha Ka Dhashay Dagaalkii Beelaha Sacad iyo Laylkase

0

Dagaalkii Saakay aroortii Ka Bilowday aaga Saaxa Qurun ayaa Galabtay Si iskiis ah isaga Istaagay Dagaalka oo Aad u Cuslaaa Hub Culusna Laisku adeegsaday Ayaa Dhex Maray Beelaha Sacad iyo Laylkase.

Labada Dhinac ayaana Khasaaro Xoogan kala Gaaray Beesha Sacad Ayaa La xaqiijiyay inay ka Dhinteen Lix Rag ah iyo Haweeneey Halku Dhaawucu kor U dhaafay 20.

Beesha Laylkase Ayaa La Sheegay inay dhimashadoodu Gaarayso ilaa 15 Ruxuu Halka Dhaawucuna Gaarayay 40.

Majirto ilaa Hada Wax Waan waan ah oo ka Dhex Socda Labada Dhinac Marka Laga Reebo Maamulada Puntland iyo Galmudug oo kaliya Baaq udiray.

Labada Beelood ayaana kala Helaaya Gurmadyo ka kala imanaaya Maamulada Galmudug iyo Puntland kuwaas oo laga Yaabo inuu Dagaal Culus Markale Dhexmaro.

Majirin Dagaalkii Maantay wax Gaadiid ah lagu kala Qabsaday Ama Lagu kala Gubay Marka Laga Reebo Gaadiid lugaha Laga Banjariyay.

Ad
Previous articleMashruuc Dadka Muqdisho Dagan Ka Farxiyay oo Maantay La Daahfuray
Next article𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫 𝐂𝐚𝐥𝐢 𝐁𝐚𝐥𝐜𝐚𝐝 𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐥 𝐜𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐥𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐢𝐢𝐛𝐚𝐲 – 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐢𝐫𝐚 𝐢𝐧𝐚𝐲 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐞𝐞𝐧 𝐅𝐢𝐪𝐢?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here