Home Wararka Maanta Wararkii Ugu Danbeeyey Israil oo dadkii Ugu Badnaa Ku laysay Lubnaan

Wararkii Ugu Danbeeyey Israil oo dadkii Ugu Badnaa Ku laysay Lubnaan

0

Saraakiisha Lubnan ayaa sheegay in ugu yaraan 27 qof lagu dilay duqeyn cirka oo ay ciidamada Isra’il ku garaaceen deegaanno ku yaalla koofurta Lubnan 24-ki saac ee lasoo dhaafay.

Magaalo ku taalla dhinaca koofureed, dadka la dilay ayaa la xaqiijiyay in uu ku jiray duqii magaalada, xilli ay wadeen howlo gurmad dhanka bani’aadannimada ah.

Duqeynta lagu dilay meeyarka magaalada Nabatiyah ayaa ah tii ugu horreysay oo ay ciidanada Isra’il ku bartilmaameedsadaan xarumaha dowladda Lubnan, tan iyo marki ay billowday olalaha duqeymaha cirka iyo dagaalka dhulka ah ee Luban bishi hore.

Laakin, milatariga Isra’il waxay sheegeen in weerar cirka ahaa oo ay Talaaddi ku garaaceen degmada Qana ay rabeen in ay ku khaarijiyaan abaanduule ka tirsan Xisbullah. Weerarkaas ayaa lagu dilay ilaa 15 qof Talaadadi.

Ad
Previous articleSidee Saakay Loo Fashiliyay Gaarigaan Alshabaab Qaraxyada Kusoorareen ee La Qarxiyay?
Next articleMadaxeyne Laftagareen oo Isaga Tagay Shirkii Madasha Wadatashi Qaran