Home Wararka Maanta Wararkii ugu Danbeeyey Hoobiyayaal Saakay lagu Garaacay garoonka aadan cadde

Wararkii ugu Danbeeyey Hoobiyayaal Saakay lagu Garaacay garoonka aadan cadde

0

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya tiro hoobiyeyaal ah oo saaka aroortii hore lagu garaacay agagaarka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo si weyn looga dareemay gudaha caasimada.

Illaa 4 hoobiye ayaa la sheegay inay ku dhaceen qaar kamid ah xaafadaha degmada Wadajir, gaar ahaan kuwa u dhow garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyey in qaar kamid ah hoobiyeyaasha ay ku dhaceen xaafadda Ceelqalow, waxaana jira khasaare u badan dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah.

Hoobiyeyaasha ayaa waxaa laga maqlay degmooyinka qaar ee gobolka Banaadir, waxaana haatan socda dhaq-dhaqaaq ay wadaan laamaha ammaanka oo ku aadan weerarkan.

Ma jiro illaa iyo hadda wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan hoobiyeyaasha lagu garaacay agagaarka garoonka caalamiga ah ee Muqdisho.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana si caadi ah ku socda shaqada garoonka oo ma jiro wax saameyn ah oo uu ku yeeshay weerarka hoobiyeyaasha ee lala damacsanaa.

Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.

Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gudaha magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Puntland oo Sheegtay in Xasan Shiikh uu u haray Hal Sano iyo Bar kana soo bixidoono Villa Soomaaliya

Maamulka Puntland ayaa mar kale shaaciyay inuu halkiisii yahay mowqifka ay kaga soo horjeedaan dowladda Federaalka Soomaaliya, inta laga helayo isbeddel iyo garowshiiyo ka yimaada madaxda dowladda Federaalka. Wasiirka Warfaafinta

Barlamaanka Somaliya oo maanta meel mariyay Hindise Sharciyeedyo muhiim ah

Xildhibaanadda Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ansixiyay laba hindise sharciyeed oo kala ah hindise sharciyeedka shirkadaha caymiska iyo hindise sharciyeedka sharciga hay’adaha maaliyadda. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa

Dowlada oo ka hadashey Duqeymaha uu Imaaraatka ka Fuliyo Puntland

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo wareysi siinayay BBC-da laanteedi Afka Soomaaliga ayaa ka hadlay doorka Dowladda Imaaratka Carabta iyo Duqeymaha dhowaanahaan ay ka geesanaysay Buuraha Calmiskaad ay ka

Weerarkii hoteel Qaahira ee magaalada Baledweyne oo lasoo Afjaray 24 Saacadood Kadib

Ciidamada dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa saqdii dhexe ee Xalay soo afjaray weerar qaatay in ka badan 15 saacadood oo ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen waabargii hore ee shalay

Dowlada Somaliya oo Xirtay Dhamaan Website-yada Xiriirka lalahaa Kooxda Shabaab

Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa xirtay ilaa iyo 12 warbaahin, nooca mareegaha ah oo ay Al Shabaab lahaayeen, iyadoo horay dowladdu ugu guuleysatey xiritaanka in ka badan 30 bar mareeg
Ad
Previous articleMareykanka oo Yaxye Sinwaar dacwad ku soo oogay
Next articleGolaha Wasiirada Soomaaliya oo maantay Qaaday Talaabo Adag oo La xariirta Xiisada Itoobiya