Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay tiro hoobiyeyaal ah oo saaka kusoo dhacay xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kuwaas oo dhaliyay khasaare leh dhimasho iyo dhaawac.
Hoobiyeyaashan ayaa si gaar ah looga dareemay degmooyinka Wadajir, Dharkenley iyo Kaxda, ayada oo dadweynuhu ay kusoo waabaristeen hubka noocyadiisa kala duwan.
Wararka ayaa sheegaya in meelaha ay kusoo hoobteen hoobiyeyaasha ay kamid tahay xaafadda Tarabuush ee degmada Wadajir, halkaas oo lasoo wariyay khasaare kala duwan.
Sawirro laga soo qaaday xaafadda ayaa muujinaya xaalad kacsanaan ah iyo burbur soo gaaray mid kamid ah guryaha ku yaalla xaafaddaas oo uu hoobiyuhu ku dhacay.
Ma cadda inta uu la’egyahay khasaaraha, balse waxaa weli socda gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeeladu soo gaartay.
Sidoo kale shacabka ku dhaqan degmooyinka Dharkenley iyo Kaxda ayaa dareemaya cabsi xoogan, maadaama halkaas laga maqlayo jugta madaafiicdan lagu garaacayo caasimada.
Xaaladda ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arakayaa ciidamada ammaanka dowladda oo iyaguna bilaabay dhaq-dhaqaaqyo culsu.
Marar badan kooxda Al-Shabaab ayaa sidaan oo kale hoobiyeyaal ugu garaacday caasimada, waxaana lagu bartilmaameedsaday madaxtooyada iyo xerada Xalane.
Si kastaba, weerarkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay ay kooxda qaraxyo ka fulisay gobolka Banaadir, waxaana u dambeeyay weerarkii ismiidaaminta ee Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay agagaarka madaxtooyada Somalia gaar ahaan isgoyska Sayidka.