Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta ka dooday arrimaha Soomaaliya, waxayna diblomaasiyiintii khudbadaha ka jeediyey ka hadleen xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya iyo arrimaha waxka bedelka dastuurka ee Soomaaliya ka socda.
Wakiillada dawladaha Maraykanka, Shiinaha iyo Britain ayaa mar kale ku celiyey inay dawladahoodu taageerayaan madaxbannaanida dhuleed iyo siyaasadeed ee Soomaaliya.
Ergayga Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Laing ayaa khudbaddeeda ku sheegtay in is-afagaradkii ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland ay falcelin xooggan oo diidmo ah ka dhalisay Soomaaliya.
Sidoo kale waxay sheegtay inay tahay wax laga walaaco in al-Shabaab ay ka faa’iidaysanayso xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, maadaama ay kooxdu heleyso fursad ay isku abaabusho dad cusubna ku qorato.
Waxay ku celisay hadalka Xogahayaha Guud ee Qaramada Midobay ee xaqjijinayey madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqday dhinacyada inay yeeshaan wadahadallo wax dhisaya, ayna ka fogaadaan hadallo wax hurinaya ama ficillo sii kicin kara xiisadda.